“Somaliland Khayr Iyo Doorasho Fiican Inay U Dhacdo Ayaan U Rajaynayaa, Kii Alle Gartaana Uu Ku Soo Baxo”

0
38 views

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay dalka ku soo laabtay, waxaana soo dhaweeyay madaxda xisbiga Waddani oo ay horkacayaan murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Maxamed Cali Cabdi.

Md. Rayaale oo wejigiifa farxadi ka muuqataa, wuxuu Alle baryay inuu abaarta ka soo jebiyo umadiisa oo uu raxmaad khayr qaba u shubo, isagoo xusay inuu laqwiga iska ilaalinayo “Laqwiga waan iska ilalainaynaa, Alle roob ha inoo keeno oo umadda abaartan haka soo jabiyo, Alle roob caam yeela umadda ha inoo keeno, Alloow waan ku baryaynaa ee inaga aqbal.” ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay inuu arrimaha siyaasadda ka hadlo wuxuu yidhi “Somaliland khayr iyo doorasho fiican inay u dhacdo ayaan u rajaynayaa, kii Alle gartaana uu ku soobaxdo.”

Rayaale, ayaa muddo safar dibadda ugu maqnaa, waxaana si weyn isha loogu hayaa safarkiisan iyo bilaabo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here