“Somaliland Ka Suurto Geli Mayso In Laba Reer Sida Hagbadda Isugu Dhiib-dhiiban,” Eng Faysal Cali Waraabe

0
446

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha ahna musharraxa madaxweynaha Xisbiga UCID  Eng Faysal Cali Waraabe ayaa weedhihii ugu adka ku naqdiyay heshiiska beelaha Subeer Awal iyo Habar Jeclo ku dhexmaray magaalada Burco. Waxa uu sheegay in aanay suuro galayn in Somaliland taladeeda ay beelo isu dhiib-dhiiban waxaanu arrintan ku eedeeyay in xukumaddu dabada ka riixayso.

Musharrax Faysal waxa uu soo bandhigay walaac weyn oo uu ka qabo cahdiga dhexmaray madaxda dhaqanka Habar Jeclo iyo Subeer Awal ee ku saabsan in ay xisbiga Kulmiye wada dhistaan iskuna celceliyaan musharraxa madaxweynaha xisbiga “Aad baan uga warwar qaba Somaliland labadii maalmood ee u dambeeyay siiba shirka Burco ka dhacay ee qabaa’ilka ah ee Salaaddiintu yidhaahdeen haddaanu reer hebel iyo reer hebel nahay heshiis baanu galnay, taasi waxay ku tusaysa in waddankii lagu celiyay 1994 oo qabiilladii 1994 dagaallamayay asxaab ku kala fayleen ayaan warwar weyn ka qaba laakiin, waxaan ku kalsoonahay shacbiga Somaliland in aanay odayaasha naftooda u shaqaysanaya aanay maqlin ee ay asxaabta ku kala saaran waxay bixin doonan, akhlaaqdooda, kartidooda iyo sida ay waddanka u wadi lahaayeen,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo waraysi siiyay BBC-da.

Eng Faysal waxa uu walaaciisa ku daray in xukumadda Somaliland dabada ka riixaysay shirka Burco ka dhacay “Waxaan waliba ka xumahay dawladda ayaa dabada ka riixaysay shirka Burco oo qabaa’il ku salaysan, taasna waxay keenaysa in dadku nacaba Somaliland. Mucaarad ahaan waanu la dagaallamaynay(Qabyaaladda) laakiin, waxa maanta awood siiyay dawladda shirka ku qabatay Burco,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Musharraxa UCID waxa uu sheegay in aanay dhici Karin in talada Somaliland laba beelood isku celceshadaan “Somaliland ka suuro geli mayso in laba beelood ku heshiiyaan oo sidii hagbadda isugu dhiib-dhiiban oo yidhaahdan maanta waa idinka, taasi wax suurto gelaysa maaha,” Sidaas ayuu yidhi Eng faysal oo sheegay in arrintaasi keenayso in Somaliland I disho.

Waxa uu intaasi raaciyay in aanay Komishanku waxba qaban Karin haddii dawladdu qabyaaladda ku milantay “Komishanku muxuu qaban kara haddii dawladdii wax waday iyada qudheedii xumaantii gacanta ka waddo oo qabaa’ilkii dhiiri gelinayso oo intay faraha ka qaaday socodsiinta dawladda ay shirar ku qabanayso Burco,” Sidaas ayuu yidhi Faysal.

Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa Isniintii si kooban uga jawaabay shirka Burco lagu soo gabo gabeeyay iyo qodobada ka soo baxay oo nuxurkoodu ahaa wada dhisashada Kulmiye waxaanu sheegay in Kulmiye sii wado kala qoqobka bulshada iyo dhiirigelinta qabyaaladda. Waxa uu sheegay in Somaliland u baahan tahay in qabyaaladda laga koro oo la dhiiri geliyo in shakhsi walba ikhtiyaarkiisa ku doorto musharraxa uu rabo laakiin, arrintan waxaan wali ka faalloon musharrax Muuse Biixi iyo Xisbigiisa.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here