Somaliland Jawaab Waanu Ka Waynay,” UN

0
1,159 views
Somaliland Jawaab Waanu Ka Waynay,” UN

Somaliland Jawaab Waanu Ka Waynay,” UN
Hargeysa(Sayruuq) Telefishanka caalamiga ah ee Aljazeera ayaa sheegay in warbixin uu arkay tilmaamayso in Imaaraadka Carabtu jabiyeen cunaqabataynta saaran Soomaaliya. Warbixintan ayuu telefishanku sheegay in ay diyaarisay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerida cunaqabataynta Saaran Ereteriya iyo Somalia oo Somaliland ku jirto.

Telefishanku waxa uu sheegaya in warbixinta oo aan wali la daabacin lagu sheegay in si aan sharciga waafaqsanayn Imaaraadku Saldhig Militari uga dhisanayo Berbera, islamarkaana keenayo saanado military taasna ay ka hor imanayso cunaqabataynta.

Warbixinta ayay Aljazeera sheegtay in Kooxda Qaramada Midoobay ku xustay in xukumadda Somaliland ay jawaab ka waayeen markii ay waydiiyeen arrinta ku saabsan jabinta cunaqabataynta iyo in ay u hoggaansan yihiin. Sidoo kale Imaaraadka ayay sheegeen in aanay tafaasiil ka helin.

Dalalka Ereteriya iyo Somalia ayaa wada jir muddooyinkii u dambeeyay u codsanayay in cunaqabataynta laga qaado.
Telefishanka Aljazeera oo ay leedahay dawladda Qadar waxa uu si weyn uga soo horjeeda xulufada Imaaraadka waxaanu inta badan dacaayado ka fidiya xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka.

Source: Aljazeera

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.