Somaliland iyo Puntland Oo Hal Qodob Isku Raacay

0
646 views
Maxay Ka Dhigan Tahay Wufuudda Xukumadda Muuse Qarsoodiga U Dirtay?

Somaliland iyo Puntland Oo Hal Qodob Isku Raacay

Wefti madax dhaqameed, ganacsato iyo aqoon yahan isugu jira oo Somaliland metelaya ayaa saddex maalmood ku sugna magaalada Garoowe iyaga oo wada waanwaan ku saabsan nabadaynta Tukaraq. Weftigan ayaa la rumaysan yahay in uu ogolaansho ka haystay xukumadda madaxweyne Biixi waxaanay shalay ku soo laabteen magaalada Hargeysa iyaga oo sheegay in ay xukumadda uga warrami doonan wixii ay halkaasi ku soo arkeen.

Weftiga Somaliland markii uu Hargeysa soo gaadhay wuxuu sheegay in ay wax badan isla meel dhigeen dadka dhiggooda ah ee ay kula kulmeen magaalada Garoowe laakiin, afhayeen u hadlay madaxda dhaqanka Puntland wuxuu sheegay in aanay waxba isla qaadan marka laga reebo hal qodob.

Qodobka la isla qaatay ee labada dhinacba Qireen wuxuu yahay in la isu celiyo maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalladii bilihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Tukaraq ee ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland isku hor fadhiyaan. Somaliland hore waxay u sii daysay wiil yar oo maxbuus ah waxaanay u ogoshahay in maxaabiista dagaalka eheladoodu soo bookhato sida uu dhawaan sheegay madaxweyne Biixi.

Hase ahaatee labadan ergo ee kulamada ku yeeshay Garoowe oo mid walba ka shidaal qaadanayo xukumadda ayaa u muuqda in aanay wax kale isla qaadan Karin. Dhanka Puntland metelayay wuxuu sheegay in aanay xukumaddoodu ogolayn wax wada hadal ah ilaa Somaliland ka baxayso guud ahaan gobolka Sool taas bedelkeedana Somaliland suuro gal kama ah in ay tallaabo noocaas ah qaado taas oo dabraysa isu soo dhawayn ay sameeyaan ergooyinkan aanay taladu ka go’in.

Mawqifka Ganacsade Jamaal Caydiid oo ergada Somaliland u hadlay

 

Dooda Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo Puntland u hadlay

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.