Somaliland Iyo Gobolka Soomaalida Oo Ka Wada Hadlay Amniga Xuduudka

0
323 views
Somaliland Iyo Gobolka Soomaalida Oo Ka Wada Hadlay Amniga Xuduudka

Somaliland Iyo Gobolka Soomaalida Oo Ka Wada Hadlay Amniga Xuduudka
Wajaale(Sayruuq) Masuuliyiin sare oo ka kala socday laamaha ammaanka Somaliland iyo gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Wajaale ee xuduudka labada dal. Masuuliyiinta ayaa saxaafadda u sheegay in ay ka wada hadleen dardar gelinta amniga xuduudaha Somaliland iyo gobolku wadaagaan.

La taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha gobolka Soomaalida mudane Bedel Xiis oo hoggaaminayay weftiga dhanka Itoobiya ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee gobolka Soomaalidu dib u hawlgalayaan maaddaama dhibaatadii gobolka ka dhacday sababtay burbur dhanka hay’adaha dawliga ah. Waxa uu sheegay in ammaanka xuduudaha Somaliland iyo gobolka si wada jir ah looga shaqaynayo.

Madaxweynaha gobolka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa isniintii amray in guud ahaan laamaha ammaanka ee gobolku hawlgalaan, islamarkaana tallaabo ka qaadan kooxda Heego ee la shaqayn jirtay nidaamkii Cabdi Ilay oo lagu eedeeyay in ay rabshado maalmahan ka dhacay gobolka masuul ka ahaayeen.

“Iyada oo aad og tihiin in degaanka uu ka dhacay burbur oo hadda dib ay dib u hawlgalayaan hay’addihii amniga oo dhan gaar ahaan xuduuda dheer ee aanu leenahay Jamhuuriyadda Somaliland sidii amnigeeda dhib ah loogu sugi lahaa labada dhinacba ee degmo iyo gobolba hay’addaha oo dhan gacanta isku qabsan lahaayeen. Sidoo kale shacabka ayaan kula dardaarmaya in ay nabad galyadooda ilaashadaan,” Sidaas ayuu yidhi la taliyaha ammaanka ee madaxweyne Mustafe Cagjar.

Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Somaliland kulanka ku metelayay ayaa sheegay in labada dhinac ka wada hadleen arrimaha ammaanka “Waxaanu farayna dhammaanba tuulooyinka iyo degmooyinka u dhexeeya labada dal, waxaanu farayna ciidanka in ay adkeeyaan nabadgalyada oo u soo jeedaan si aanay wax dhibaato ahi uga dhex dhicin labada dal. Waynu ogsoonahay waxyaabihii dhacay barigii dhawayd, waynu ka digtoonayna in aanay wax dambe dhicin ee ha la digtoonaado,” ayuu yidhi wasiir xigeen Maxamed Muuse Diiriye.

Gobolka Soomaalida oo isbedel dhanka xoriyatul qawlka iyo furfurnaanta siyaasadda ahi ka hirgashay ayaa u muuqda mid la qabsan la xorriyadda waxaana laga dareemaya kala qaybsanaan dhanka qabyaaladda ah sida uu dhawr jeer ka digay madaxweynaha cusub Mustafe Muxumed Cumar.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.