Somaliland iyo Cilmibaadhista ! WQ:Maxamuud Askar

0
87 views

Somaliland waa dal 1960 xornimadda ka qaatay gumaystihii Boqortooyadda Britain kaas isla waqtigaas la midow-bay Koonfurta Somalia oo ay ka dhalatay dowladdii Somaliya ,markale somaliland waxay ka go`aday midowgaasi 1991 somaliya ,Maalintii dhidibadda loo taagay ilaa maanta 2017 oo 25 sanadood ee ka soo wareegay waxaa is bad-badalay 4 dowladood mid wali-na sumada iyo baadisooc gooni ah bay leedahay oo horumar iyo hanaan wanaag ,dimuqraadiyad ,ismaqal,isku tanaalsul iyo wada-tashi joogta ah baa lagu soo jiray waan wax Alle Subxaanahu wa Tacaala lagu mahadiyo .

Cilmi baadhista Somaliland laga sameeyay inta yar ee jirtaa daacad loogama ahyn fulinta waxayaabaha ka soo baxay cilmibaadhista lagu sameeyay dalka , sheeko ayaan xasuusata maalin ay dallad dhalinyaradda somaliland ee Sonyo soo bandhigasay tirakoob dhanka qaab-nololeedka bulshada Somaliland ay ku soo badhigaayeen Hotel Ambasador Ayaa waxaa hadal aan xasuusto halkaa kaga hadalay Guddoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo indheer-garadnimo badan u lahaa waxyaabaha lagaga hadlay madasha waxanu yidhi “Somaliland intay jirtay waxaa la sameeya diraasooyin faro badan ,oo qolyaha cadaanki fuliyaan ,balse ma jireen wax laga fuliyo arrimaha ka soo baxa ,oo waxaad arkaysa waraaqo kale oo hadana sannado kale bartii uun lagaga sii miisayo”.

Hadalka muuse waxaa iga soo baxay in dalkan mashaariicadda cilmi baadhista ee lagu soo qaato daneeyayaasha wax badan aan laga fulin intooda badan lacagaha loogu talagalay lagu qaato siminaaro Huteeladda magaaladd lagu camiro, yaab iyo amkaab kadib waxaa maalmaahas kadib soo baxay sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo run ahaanti noqday mid lagaga raystay lacagihii aan soo sheegnay halkay ku bixi jireen dalka dib ugu noqdeen .

Cilmi baadhista ayaa ah mid ay ka shaqeeyaan Ngo`s badan balse wax la taaban karo aan ka soo saarin waxaan ka mid ah Akaadimiyadda Nabada ,SODRADI ,iyo kuwa badan oo kale ,dhamaantood waxay day day iyo raad raac u galaan helista mashaariic lagu maalgaliyo marka ay helaan wax ka soo baxo meel ay ku baahiyaan iyo sida ay wax u filayaan tooana ma arag ,hadaad u fiirsto oo aad gasho mareegahooda loogu talagalay in ay xogaha ku baahiyaana ,waqti dheer ka hor qaarkood 2015 kuwa kalana 2012 baa ug danbeysayba .xukuumaddana hadalkeedaba daa Miisaaniyadeeda waxaa ka soo gashaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista Somaliland ,iyaduna mooyi!

Ummaddu-ba inta ay u dhaga nugushahay maalgalinta cilmi baadhista ayay ku kala horeysa qayrkeed, dunnida tagtay waxay miisaniyadooda intooda ugu badan qaata waa cilmi baadhis noocyadeeda kala duwan ,dhaqaale ,siyaasadda iyo dhaqanka (Tarbiyadda) ,waxaanay ka midaysan yihiin in qodaxa looga guro wada kasto soo galo ,loona fudaydiyo laguna taageero dhaqaale ahaan .

 

Baahida loo qabo wakhtigan la joogo cilmi baadhis ayaa aad uga badan xiliyadii hore ,maadamo uu adduunku noqday mid tartan xoogan ugu jira helida aqoonta ugu macquulsan oo midho dhal leh taaso aadamaha u keenaysa barwaaqo raaxo leh kana shaqeynaysa fayo-qabka qofka . si gaar ah muhiimadda ay leedahay cilmi baadhistu waa kaalinta ay ka ciyaarayso ee dhanka horumarka iyo horumarinta gaar ahaan:

 

  1. Ka faa`idaysiga iyo adeegsiga Cilmi baadhista la taaban karo ee sida sayniska.

Habka sayniska ee cilmi-baadhista, kaaso dhisaya soo bandhigida hal abuuradda cusub,qaabkaas oo saadalinaya xaqaa`iqada tajaabiyinka hore u ahaan jiray aragtiyo ay ka faaloodeen faylasuuyadii hore.

  1. waxa qeyb libaax lah ka qaata dib u soo noolaynta xadaaradihii hore ay umaduhu lahaan jireen kuwaas oo xaqiijinaya kana dhigaya mid la jaan qaada nolol maalmeedka si loo gaadho farxad iyo fayo-qab.
  2. Wuxuu ka shaqeeya (dib u nooleynta aragtiyaha iyo fikradaha hore ) kuwaas oo la gaadhsiinaya baadhitaan cilmiyeysan saxna ah, taasina waxay keenaysa ikhtiraac cusub.
  3. Cilmi baadhistu waxay ogoshahay in fahan cusub laga qaato wixii tagay iyo ta mustaqbalkaba ,iyadoo looga shiidaal qaadanayo helida aragti cusub oo sida cadceeda u dhalaalaysa .

 

Maxamuud Askar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.