“Somaliland Hadduun Bay Ugu Dhawday Citiraaf,” Mail&Gaurdian

0
1,239 views
“Somaliland Hadduun Bay Ugu Dhawday Citiraaf,” Mail&Gaurdian

“Somaliland Hadduun Bay Ugu Dhawday Citiraaf,” Mail&Gaurdian

Wargeyska The Mail & Gaurdian ee ka soo baxa dalka Koonfur Afrika ayaa warbixin uu ka qoray Somaliland sheegay in ay hadda muuqato in ay shaqaynayso siyaasadda Istiraatijiyada ee goobta ay Somaliland ku taallo, islamarkaana ay hadda uun ugu dhawdahay Citiraaf Somaliland oo muddo dheer bulshada caalamku dhagaha ka furaysatay qadiyadeeda indhahana laga xidhay.

“Kala qaybsanaanta qadhaadh ee Khaliijka ayaa kala qaybinaysa Geeska Afrika iyada oo dalalka ku khasbaysa in ay dhinac raacaan. Dawladda Federalka ee Muqdisho waxay la safan tahay Qadar iyo Turkiga. Tani waxay ku khasbaysa Imaaraadka iyo Sucuudigu in ay raadsadaan bahwadaag kale oo Soomaali ah, waxaana si xamaasad leh booskaa u buuxinaysa Somaliland,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta.

Wargeysku wuxuu sheegay in sii kala fogaanshaha Muqdisho iyo Abu Dubai yahay mid fursad u ah Somaliland, islamarkaana citiraafka ku sii dhawaynaya. Waxa lagu sheegay warbixinta in iyada oo Imaaraadku ka xamaan urursanayo Muqdisho uu aqbalayo Passport-ka Hargeysa taasna ay ka dhigan tahay markii Somaliland waligeed Citiraafka ugu dhawayd.

Halkan ka akhriso warbixinta M&G

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here