Somaliland Fursad Ma U Tahay Isku Dhaca Imaaraadka iyo Somalia/Jabuuti

0
982 views
Somaliland Fursad Ma U Tahay Isku Dhaca Imaaraadka iyo Somalia/Jabuuti

Somaliland Fursad Ma U Tahay Isku Dhaca Imaaraadka iyo Somalia/Jabuuti

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Soomaaliya ayaa go’aansatay in ay masuuliyadda ciidamada ay u tababari jireen Imaaraadku la wareegto maanta sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga Maxamed Mursal sidoo kalena taliyaha guud ee Somalia Jeneraal Gorod u xaqiijiyay VOA. Kharashaadka Imaaraadku siin jiray ayay sheegtay in ay Somalia bixin doonto.

Ciidamadan ayaa ku dhisna heshiis dawladda Imaaraadka iyo Somalia dhex maray November 2014. Heshiiskan oo ahaa mid iskaashi ayaa loo arka in uu yahay xidhiidhkii u dambeeyay ee Imaaraadka iyo Muqdisho oo ay ka baxday Soomaaliya.

Imaaraadka oo ka falcelinayay $9.6 milyan oo lagaga qabsaday madaarka Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya jabisay heshiiskii iskaashi ee 2014, sidoo kalen shuruucda diblamaasiyadda iyo habdhaqanka laba dal u dhexeeya ku tumatay. Waxay sheegtay in qori caaradii lagu qabtay ciidamadooda diyaaradda lacagta siday la socday waxaanay eedo culus u jeediyeen Soomaaliya oo ay ugu manno sheegteen in ay meel madow ka soo saareen iyaga oo dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba soo taageeray.

Hadal la mid ah kan Imaaraadku wuxuu ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibadda ee Baxrayn Sheekh Khaalif Bin Axmed Al Khaliifa oo sheegay in Soomaaliya ka abaal dhacday Imaaraadka oo taageero deeqsinimo ah fidiyay. Isbarbar taagga Baxrayn ee Imaaraadka ayaa loo arka in xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaamiyaan mar kale saluugsan tahay hab dhaqanka xukumadda Muqdisho.

Warbaahinta The New Arab(Alaraby.co.uk) oo arrintan ka faalloonaysay ayaa tidhi “Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadku wuu ka sii darayay tan iyo markii DP World la wareegtay dekedda Berbera sanadkii hore. Sidoo kale waxay Imaaraadku marti qaadyo heer dal ah u fidiyeen madaxda Somaliland iyaga oo Saldhig Militarina ka dhisanaya, taas oo loo arko in Imaaraadku qaaday jidkii uu dal madax bannaan ugu aqoonsan lahaa Somaliland.”

“Somaliland waxay ku taalla goob istiraatiji u ah Bab Almandab, waxaanu saldhigga Berbera ka saacidayaa Imaaraadka in ay danaheeda Maraakiibta ka ilaashato gacanka cadmeed,” Sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta The New Arab.

Geesta kale Shirkadda DP World iyo dawladda Jabuuti ayay fiintu dhex miranaysa kadib markii Jabuuti si khasab ah ula wareegtay saamiga 33% ah ee DP World ku lahayd maamulka dekedda Doorale. Imaaraadka ayaa markii ay arrintaasi dhacday xoogga saaray xidhiidhka Somaliland iyo dardar gelinta dekedda Berbera iyada oo degdeg loo saxeexay saamiga Itoobiya ee 19% waxaanay Jabuuti ku tilmaantay arrin ay u qaadan waayeen sida degdegga ah ee Itoobiya ula heshiiskay maalmo kadib isku dhaca Jabuuti iyo DP World. Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aanu caafimaad qabin tartanka DP World kula gali doonto dekedda Berbera iyaga oo u jeeda in ay Jabuuti la xafiiltamayaan.

Haddii xidhiidhka Muqdisho iyo Abu Dubai gaadho heer ka sii daran halka uu hadda marayo waxa la filan karaa in Imaaraadka oo xafiiltan la galaya Somalia ay kor u qaadan xidhiidhka diblamaasiyadda Somaliland oo haddaba ay in badan dallaceen sida ogolaanshaha Basaboorka iyo shir caalami ah oo lagu soo daray Somaliland. Sidoo kale khulufada Carabta ee gacansaarka la leh ayaa laga yaaba in ay xidhiidhkooda u soo leexiyaan Somaliland oo muddo dheer ay Carabtu fayga kaga taagnayd.

Sayruuqnews/Faallo

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here