Somaliland: Dugsiga Hoose Dhexe Ee Faadumo Biixi Oo U Xidhan Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Maamulaha iyo Macallimiinta

0
121 views

Hargeysa(Sayruuq):-Dugsiga hoose dhexe ee Faadumo Biixi oo ku yaalla degmada Axmed Dhagax(Siinay) ee magaalada Hargaysa ayaa ilaa todobaadkii hore u xidhan khilaaf u dhexeeya maamulaha dugsiga iyo macallimiinta. Iskuulka ayaa ilaa todobaadkii hore xidhan iyadoo ilaa kun shan boqol oo ardayda dugsiga ahi waxbarasho la’aan yihiin.

Ma jiro war rasmi ah oo wasaaradda waxbarashada Somaliland ka soo saartay khilaafka Iskuulka ka taaggan todobaadadii u dambeeyay hase ahaatee khilaafka ayaa haatan cirka isku shareeray. Ilaa 11 Macallimiinta dugsiga ah ayaa ka soo horjeestay maamulaha dugsiga, waxaana intaasi raacay muddaharaad ardayda dugsigu ku wajahday maamulaha.

Wasaaradda waxbarashada ayaa bedeshay 11 ka mid ah 15 macallimiinta dugsiga ah, waxaana la rumaysan yahay in macallimiintu ka gaws adaygtay bedellaadda. Warar Wargeyska Warsugan ka helay khilaafka labada dhinac ayaa sheegay in macallimiintu fahansan tahay in maamuluhu garab ka helay masuuliyiin wasaaradda ka tirsan, kuwaasi oo sameeyay bedel degdeg ah, islamarkaana iskuulka ku soo qoray macallimiin kale.

Sidoo kale waxaa wasaaradda ka soo baxay amar lagu xidhayo macallimiinta ay is hayeen maamulaha iskuulka. Wargeyska Warsugan ayaa ogaaday in boolisku raadinayo macallimiinta laakiin, aan wali la xidhin. Macallimiinta ayaa la sheegay in loo haysto muddaharaad ardayda dugsigu ku sameeyeen maamulaha.

Ardayda Dugsiga ayaa shalay sameeyay muddaharaad ay kaga cabanayaan khilaafka ka taaggan iskuulka, waxaana dhaawac gaadhay mid ka mid ah carruurtaasi oo gaadhi turuska ku dhuftay. Ardayda ayaa la sheegay in qaarkood la xidhay, sidoo kale waalid dhinaca macallimiinta u janjeedha la isku dayay in la xidho. Ardayda ayaa sidoo kale taageersan macallimiinta hore waxaanay caqabad ku noqdeen in macallimiinta loo soo bedelay shaqada bilaaban.

Xogaha wargeyska Warsugan ka helay khilaafka dugsigan ayaa sheegaya inuu salka ku hayo khilaaf dhinaca shaqada ka dhashay oo maamulaha iyo macallimiinta ah laakiin, hadda u gudbay ilaa ardayda, waxaanu u muuqda mid aanay wasaaradda waxbarashadu si dhexdhexaadnimo leh u galin,halka dad si madax bannaan iskugu dayay dhexdhexaadinta maamulaha iyo macallimiintu ku guuldarraysteen xallinka khilaafka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.