“Somalia Waxay Heshiiska Berbera U Diidaysa Itoobiya Oo Qayb Ka Ah,”Wasiir Sacad

0
1,777 views
“Somalia Waxay Heshiiska Berbera U Diidaysa Itoobiya Oo Qayb Ka Ah,”Wasiir Sacad

“Somalia Waxay Heshiiska Berbera U Diidaysa Itoobiya Oo Qayb Ka Ah,”Wasiir Sacad

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Hargeysa ugu warramay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa sheegay in Somaliland 1960-kii ku degdegtay himiladii Soomaali weyn, islamarkaana aanay u shaqayn sidii la filayay. Waxa uu sheegay in midawga labada dhinac ahaa mid mutadawacnimo ah ama iskood ah haddana Somaliland iskeed ula noqotay xorriyaddeeda.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in ay halgan qadhaadh ku qaadatay dib u helista xorriyaddii 1960, islamarkaana dhaqdhaqaaqii SNM u halgamay xilka qaadista kalitaliye Siyaad Barre “Waxay qaatay 10 sanno oo ahaa 1981 ilaa 1991, intii wakhtiga lagu gudo jiray waxay Somaliland wajahday burbur laxaad leh. Magaaladan Hargeysa waa la burburiyay oo dhulka lala simay. Sidaas darteed ilaa 1991 dib ayaanu u dhisaynay wax kasta oo aad Hargeysa maanta ku aragtaana waa maxsuulkii dib u dhiskaas,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad oo intaasi ku daray in Somaliland sidoo kale dhistay adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo wixii la mid ah.

Wariye Birhanu Fikade oo ka socday wargeyska The Reporter ayaa wasiir Sacad waydiiyay su’aal; marka laga yimaaddo Dimuqraadiyadda, Xasilloonida iyo nabadda waxa u badan ee dadku ka hadlayaan waa aqoonsiga Somaliland marka maxay beesha Caalamku u aqoonsan wayday Somaliland 27 Sannadood?

Wasiir Sacad oo su’aasha ka jawaabayay waxa uu sheegay in ay jiraan dalal door ah oo iskood isugu biiray kadibna kala noqday kuwaas oo uu ka xusay Sengeal iyo Gambiya, Itoobiya iyo Eritrea, Masar iyo Suuriya, Suudaan iyo Koonfur Suudaan kuwaas oo inta ay midoobeen kadibna dib u kala baxay “Waxaanu buuxinay dhammaan shuruudaha looga baahan yahay Qaran, waxaanu ku haboonahay shuruudaha oo dhan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in ay laba sababood hor taaggan yihiin Citiraafka Somaliland “Sababta ay Somaliland u aqoonsan la yihiin waa su’aal ay tahay in la waydiiyo beesha caalamka laakiin, waxay ila tahay laba sababood oo aan Qaran naloogu aqoonsanayn ayaa jira; Mid waa cabsi ta kalena waa aqoon darro. Marka aan leeyahay cabsi waxa jira dad badan oo u arka in arrintani keenayso waxay ugu yeedhanPandora’s Box oo ah cabsi laga qabo in dalal badan oo gobolka ah ama caalamkaba ay jidkaas qaadan oo kala go’aan. Sababta kale ee caqabada ku ah aqoonsigayagu waa aqoon darro laga qabo xaaladdayada iyo taariikhdayada asal ahaaneed. Waxa jira dad badan oo isku qasaya Somaliland iyo Somalia waxaanay u arkaan in Somaliland tahay gobol ka go’aya Soomaaliya taasna kiiska Somaliland maaha,” Sidaas ayuu sheegay wasiir Sacad.

Wargeyska The Reporter waxa kale oo uu waydiiyay wasiir Sacad saamaynta Soomaaliya ku yeelanayso heshiiska dekedda Berbera ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya waxaanu sheegay in ay Somaliland waligeedba heshiisyo soo gali jirtay laakiin, sababta ay Somalia kan uga hor timid tahay dawladda Itoobiya oo ay diidan yihiin.

Waxaanu aamminsanahay waxay arrintan u samaynaysa (Somalia) waa Itoobiya darteed. Waxaanay ku niyad samayn in Itoobiya qayb ka ahaato mashruuca. Taasi waa sababta Somaliland aqoonsiga u doonayso maxaayeelay waxay ilaalinaysa nabadda. Ma doonayno in aanu dib ugu noqono qalalaasihii 1964 ama 1977. Somalia waxay wali ku dheggan tahay fikradda Soomaaliweyn sidaas awgeed waxaanu leenahay damaanad qaadka kaliya ee nabadda iyo xasilloonida gobolku waa aqoonsiga Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad.

Ugu dambeyn waxa uu wasiir Sacad sheegay in heshiiska horumarinta dekedda Berbera ee Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya sidiisa u soconaysa wax kasta oo Somalia tidhaahdana aanu saamayn ku yeelan doonin, islamarkaana ay dhinacyada heshiiska gaadhay oo dhan ka go’an tahay hirgalintiisu.

Wargeyska The Reporter ayaa baahiyay in dawladda Itoobiya doonayso in ay isticmaasho dekedda Berbera 30%, halka ay 10% u qoondaysay dekedda Port Sudan ee dalka Sudan iyada oo la filayo in 60% kale ay isticmaalayso dekedda Jabuuti oo ay hore u isticmaali jirtay 95%.

Source: Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.