“Somalia Waxay Curyaaminaysa Somaliland,” Maxamed Cumar Carte

0
1,409 views
“Somalia Waxay Curyaaminaysa Somaliland,” Maxamed Cumar Carte

“Somalia Waxay Curyaaminaysa Somaliland,” Maxamed Cumar Carte

Ra’isal wasaare xigeenkii xukumaddii Xasan Sheekh Maxamuud haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia kana soo jeeda Somaliland Maxamed Cumar Carte waxa uu dhalliilay tallaabada xukumadda Farmaajo ku doonayso in Somaliland laga jaro deeqaha ay beesha caalamka ka hesho.

Qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in Somaliland ku hungowday himiladii Soomaali weyn ee 1960, islamarkaana loogu bedelay dhibaato loo gaystay halkii arrimahaasi meesha laga saari lahaana xukumadda Farmaajo uga sii darayso iyada oo curyaamisay jawigii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalka Somaliland.

Qoraalka Ra’isal wasaare xigeenkii hore ee Somalia wuxuu u dhigan yahay sidan:-

 

BAAQ:- Hambalyada Ra’iisulwasaare Ku-Xigeenkii hore Xildhibaan Maxamed Cumar Carte ee dabaaldegga 58 guurada 26ka Juun iyo 1da Luulyo.

Waxa aan u dabaaldagaynaa konton iyo Sideed guuradii 26ka June iyo 1da luulyo. Lama maalmood oo taariikh dahabi ugu qoran dadka Soomalida ah meel kasta oo ay joogaan. Waa laba maalmood oo ku suntan xurriyadda iyo israaci labada dal ee Somaliland iyo Somalia Jamhuuriyaddii cusbayaydna loogu wanqalay Jamhuuriyadda Soomaalida (Somali Republic).

Israacii Somaliland iyo Somalia wuxuu hiigsi u ahaa xorreynta iyo midayntii Shantii Soomaaliyeed si loo helo Soomaali Weyn.

Markii xornimadda la helay maamulka iyo shacabka Somaliland waxaa ku jirey dareen Soomaali Jecayl oo aan xad lahayn, hase yeeshee dhinaca koonfurta dareenkaa mid la midi kama helin. Waxaana isla markiiba khalad laga galay nidaamkii midowga ka dib markii Baarlamaanka laga ansixin waayey Xeerkii Israaca iyo Midnimada (Act of Union) ee Somaliland iyo Somalia. Taana waxa ka dhashay in Xisbiyadii keenay xuriyadda iyo Midnimada ee Somaliland ka horyimaadeen aftidii loo qaadayey Dastuurka 1961kii. Isla markiiba Ciidamadu isku dayeen Inqilaab lagaga noqonayo Midnimada.

In kasta oo dawladihii rayidku ee dalka ka talinayey sagaalkii sano ee ugu horreeyey, ay dedaal geliyeen dhismaha dawladnimada. 1969kii, waxa taladii dalka Inqilaab Military ku la wareegay ciidamada. Ciidamada xukunka qabsaday, waxay sannadihii ugu horreeyeyna muujiyeen waxqabad iyo dareen waddanimadnimo. Hase ahaate wuxu dhaawac weyn u gaystay dareenkii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kii shacabka Somaliland.

Burburkii qaranimadii Soomaaliyeed iyo dhaawicii taariikhiga ahaa ee loo gaystay dareenkii midnimo-doonka ahaa ee shacabka Somaliland wuxu keenay in 18 May 1991kii, Burco lagaga dhawaaqo in ay dib uga noqdeen midowgii ay la galeen Soomaaliya 1960kii. Dhinaca Koonfurtana kama jirin nidaam dawladdeed ilaa sannadkii 2000 markaa oo la soo dhisay dawlado ku-meelgaadh ah oo shaqeeyey ilaa 2012kii.

Dawladdi rasmiga ahayd ee 2012kii loo dhisay Somalia waxa ay wada-hadal la bilowday Somaliland. Waxayna heshiis January 18 2014kii, ku kala saxeexdeen magaalada Istanbul. Heshiiskaas oo qeexayey in la sii wado wada-hadalada lagana dheeraado waxa kasta oo abuuri kara khilaaf. Isla markaana aan la siyaasadeen barnaamijyada horrumaineed iyo kuwa bani-adaamnimoba.

Waxaa wax laga xumaada ah, in maanta iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda maanta jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan wada-hadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland.

Ka dib markii aan la tashaday siyaasiinta iyo shacabka midnimo-doonka ah, ee muddada badan u soo dhabar-adaygay dib-u-soo-celinta qarankii, waxa aan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda maanta jirta:

  1. In Dawladdu dib-u-bilwdo oo dardargeliso wada-hadaladii socday ee Somaliland iyo Somalia.
  2. In Dawladdu qaadato masuuliyadda ka saran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira.
  3. In xallinta collaadda ka taagan Tukaraq dawladdu u marto wada-hadal iyo hab nabadeed.

Illaahay khayrka ha ina waafajiyo sannadkan sanaadkiisana ha nagu gaadhsiiyo nabad iyo bashbash iyo barwaaqo.

Wa Billaahi Tawfiiq.

—–DHAMAAD—–

Hon Mohamed Omer Arteh.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.