Somalia Oo UN-ta Iyo USA Codsi U Diratay

0
179 views
Somaliland Oo Diiday Shirka Brussels
Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Somaliland

Somalia Oo UN-ta Iyo USA Codsi U Diratay

Dawladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay iyo Maraykanka waydiisatay in laga qaado cunaqabataynta Hubka ee saaran ilaa 1992. Ashkatadan Soomaaliya gudbisay waxa wakaaladda wararka Turkiga ee ANADOLU u sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya. Dawladda Somaliland ayaa ka soo horjeeda in xilligan la qaado cunaqabataynta hubka ee wada saaran Somaliland iyo Somalia.

Danjire Maxamed Cali-nuur Xaaji oo qayb ka ahaa kulanka wakiillada joogtada ah ee Midawga Afrika oo u gogol xaadhaya kulanka guud ee madaxda Afrika ayaa  Anadolu u sheegay in cunaqabataynta hubku dhaaftay ujeedadii loo soo rogay “Dalabkayaga ah in nalaga qaado cunaqabataynta waa mid leh cudur daar ama sababayn fiican waxaana xaqiiqo ah in aanay Soomaaliya ku jirin dagaallo qabiili ah, taas oo ahayd sababtii Maraykanka iyo Qaramada Midoobay noo saareen cuno qabataynta,” Sidaas ayuu yidhi Danjiraha Somalia ee Addis Ababa.

Danjiraha Somalia u hadlay wuxuu intaasi raaciyay “Maaddaama ay Soomaaliya ka jirto dawlad Qaran oo dalka ka masuul ah lana macaamilaysa maamuusyada caalamiga ah iyo heshiisyada, waxay ila tahay ma jirto sabab Soomaaliya loogu sii hayo cuna qabataynta.”

Dawladda Soomaaliya ayaa fagaareyaasha caalamiga ah ka dalbanaysa in laga qaado cuna qabataynta hubka si dalka loo keeni karo saanadaha ciidamada, iyada oo ku doodaysa in dawlad dhexe jirto, islamarkaana aanu hubku gacanta u galayn kooxaha xagjirka ah iyo qabaa’ilada. Sababta ayay Somalia ku sheegaysa in ciidamadoodu aanay ka awood badnayn Alshabaab mararka qaarna Alshabaab ka awood iyo tab badan tahay sidaas awgeedna aan la qaadi Karin cuno qabataynta.

Dawladdii Madaxweyne Siilaanyo ayaa si adag uga soo horjeedsatay hammiga Farmaajo ku doonayo qaadista cunaqabataynta iyada oo Somaliland ka warwarsan tahay in hubku gacanta u galo beelo iyo maleeshiyaad xagjir ah oo amniga mandaqada uga sii dara. Soomaaliya ayaan wali gacanta ku hayn inta badan Soomaaliya.

Geesta kale Soomaaliya ayaan wali qaramayn ciidamadeeda iyada oo xilli kasta ay beeluhu ka awood badan karaan dawladda. Dhawaan khilaaf ka dhex aloosmay duqa Muqdisho Taabid Cabdi iyo Xukumadda Farmaajo iyo Khayre ayaa sababay in ciidamo Militariga ka mid ah oo beesha Taabid ah la wareegaan gacan ku haynta xarunta dawladda hoose taas oo sababi gaadhay isku dhac laakiin, markii dambe la xallilay xilkana laga qaaday Mr Taabid sida ay shalay ku warrantay warbaahinta Jowhar.com

Somalia reiterates appeal to lift arms embargo

Xafiiska Qaramada Midoobay Ee UNSOM Oo Talo U Jeediyay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.