Somalia Oo Mar Kale Codsatay In Cunaqabateynta Laga Qaado Eritrea

Dhinaca Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax, ayaa isaguna dhammaan Khudbaddiisii golaha guud ee qaramada midoobey uga hadlay cunaqabeynta oo uu sheegay in ay tahay mid sharci-darro ah.

0
273 views
Somalia Oo Mar Kale Codsatay In Cunaqabateynta Laga Qaado Eritrea

Somalia Oo Mar Kale Codsatay In Cunaqabateynta Laga Qaado Eritrea

Muqdisho(Sayruuq)- Dawladda Soomaaliya ayaa dalbatay in cunaqabateynta saaran dalka Eritrea laga qaado si loo gaaro gobolka geeska Afrika oo xasilloon.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo khudbad ka jeediyay golaha amaanka ee qaramada midoobey ayaa ku baaqay in qaramada midoobey ay cunaqabateynta ka qaaddo dalkaasi.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu, ayaa isaguna ugu baaqay beesha caalamka in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea oo ka mid ah dalalka geeska Afrika.

Dhinaca Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax, ayaa isaguna dhammaan Khudbaddiisii golaha guud ee qaramada midoobey uga hadlay cunaqabeynta oo uu sheegay in ay tahay mid sharci-darro ah.
Somalia oo ka dalbatay Qaramada Midoobey in laga qaado cunaqabateynta hubka
Eritrea Oo Maanta U Dabaal-dageysa Sannad-guuradii 25-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Madax-banaanideeda.

Kaliya wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo isna Jabuuti ku matalayay golaha guud ee qaramada midoobey ayaan sameynin codsiga ah in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Dalalka Eritrea, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wasiirradooda arrimaha dibadda u diray shirkii 73aad ee golaha guud ee qaramada midoobey.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.