Somalia & Jabuuti Oo La Saftay Sucuudiga

0
345 views
Somalia & Jabuuti Oo La Saftay Sucuudiga

Somalia & Jabuuti Oo La Saftay Sucuudiga
Riyad(Sayruuq) Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa taageeray dawladda Sucuudiga kadib markii muran xooggan soo kala dhexgalay dawladaha Canada iyo Sucuudiga. Waxay si weyn uga cadhootay boqortooyada Sucuudigu arrinta ku saabsan eedayn dhanka xuquuqal Iisaanka ah oo uga timid Canada.
Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waraaqo luuqadda Carabiga ku qoran oo ay si gooni ah u soo kala saareen ku taageeray dawladda Sucuudiga.
Wasaaradda arrimaha dibadda waddanka Canada ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aanka adag ee dawladda Sucuudi Carabiya ku jartay xidhiidhka Canada.
Wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ay u yeedhatay safiirkeeda Canada, islamarkaana 24 saac u qabatay in safiirka Canada kaga baxo Sucuudiga. Waxay joojisay duulimaadyada tagaya Canada.
Sucuudiga ayaa si weyn uga cadhooday farriin dawladda Canada ku qortay barta lagu xidhiidho ee Twitter-ka oo ku saabsan in dawladda Sucuudigu cabudhiso ama xidhxidho dumarka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka Sucuudiga.
Dawladda Sucuudiga ayaa joojisay dhammaan xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, diblamaasiyadda iyo iskaashiga dhanka aqoonta. Waxay sheegtay in ardaydeeda joogta Canada ay dalal kale ula wareegi doonto.
Dawladda Sucuudigu waxay ku dooday in hadalka Canada yahay mid been abuur ah oo xaqiiqada ka fog, islamarkaana aan loo miidaan dayin “Mawqifka Canada waa faro gelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaha gudaha Sucuudiga, taas oo ka soo horjeeda dhammaan shuruucda aasaaska u ah sharciga caalamiga ah iyo dhammaan cahdiyada lagu maamulo xidhiidhada dalalka,” ayay sheegtay dawladda Sucuudigu.
Dawladda Canada ayaa iyaduna sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay tallaabooyinka ay qaaday Boqortooyada Sucuudigu, islamarkaana ay ka sugayso sharraxaado dheeraad ah sida xidhiidhka labada dhinac noqonayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.