Somalia Iyo Kenya Oo Ku Dhaw In Ay Isku Dhacaan

0
210 views
Somalia Iyo Kenya Oo Ku Dhaw In Ay Isku Dhacaan

Somalia Iyo Kenya Oo Ku Dhaw In Ay Isku Dhacaan

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamo difaaca Beledxaawo ay u dirayaan, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay Ciidamada Kenya ka wadaan dhul boob xooggan oo ay gudaha ugu soo galeen degmadaas, kana qodeen godod waa weyn, si darbi uga dhisaan.

Shacabka ku dhaqan Beledxaawo ayaa sameeyay dibad bax rabshado wata, iyadoo ciidamada Kenya ay rasaas ku kala eryeen dadkan oo ka cadheysnaa cagaf-cagafyo ay Kenya ku burburisay guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Beledxaawo iyo qaybo Somalia ah oo gudaha Kenya galay markii dayrka Kenya sokada ka maray.

 

Guddoomiye kuxigeenka amniga Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab u wareejinayaan dagaal ka dhan ah Ciidamada Kenya oo uu sheegay in xadgudub iyo dhul boob ka wadaan Beledxaawo.

Waxaa uu sheegay in ciidamo laga dirayo deegaanada Gedo, si ay u gacan siiyaan shacabka oo wada dhaq dhaqaaq looga difaacayo ciida Soomaaliya dhul boobka ay wadaan Kenya.

Baraha Bulshada ayaa la soo dhigay muuqaalo dad shacab ah oo u badan haween iyo dhalinyaro oo dhagxaan ku tuuraya gawaadhida gaashaaman ee Ciidamada Kenya ee ku sugan Beledxaawo.

Xaaladaha ku soo kordhay Beledxaawo ee dhul boobka iyo xadgudubka ay Kenya ka geysaneyso ayaa wali wax hadal ah ka soo saarin dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Xukuumadda, iyadoo arrintan shalay uu ka hadlay Aqalka Sare, kuwaasoo u yeedhay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.

Maalmihii u dambeeyay waxa si weyn loo arkayay dadka degaannada oo isku dayaya in ay difaacdaan dhulkooda laakiin, awood ciidan ay ku muquuninayso Kenya iyada oo rasaas iyo suntan dadka ka ilmaysiisa loo adeegsanayo. Ciidamada loo diray ayay suuro gal tahay in ay sii xoojiyaan gacan ka hadalka bulshadu kula jirto ciidamada Kenya taasna xiisadda sii kordhiso.

 

Maamulka Jubaland iyo gobolka Gedo waxay sheegeen in dhiggooda Kenya u sheegeen in amarka dhismaha dayrka uu bixiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay tahay arrin u taalla Farmaajo iyo Khayre in ay wax ka qabtaan dayrkan la sheegay in uu gudaha u soo galay Soomaaliya.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Source: Sayruuqnews/Jowhar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.