“Somalia Argagixisaday Taageerta,” Taliye Imaaraad Ah

0
765 views
“Somalia Argagixisaday Taageerta,” Taliye Imaaraad Ah

“Somalia Argagixisaday Taageerta,” Taliye Imaaraad Ah

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Dubai Jeneral Abdullah Khalifa Al Marri ayaa xukumadda xilligan ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay taageerto Argagixisada. Qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Imaaraadku dhib ku qabo dawladaha taageera Argagixisada sida Iiraan, Qadar iyo xukumadda xilligan ee Soomaaliya.

Taliyahan ayaa boggiisa Twitter-ka ku baahiyay qoraallo dhawr ah oo uu ku maagayo dawladda Iiraan iyo Qadar oo uu si joogto ah ugu eedaynayo sida ay u gacan siiyaan argagixisada isaga oo ku dooday in aanay Xuutiyiintu awoodda sii haysteen haddii aanay Iiraan taageerayn.

Dawadda Imaaraadka Carabta iyo xukumadda ka talisa Muqdisho ayaa dhawaan isku dhacay waxaanu xidhiidhkoodu gaadhay halkii ugu hoosaysay. Imaaraadka ayaa joojiyay dhammaan hawlaha uu Soomaaliya la waday markii la qabsaday diyaarad siday ciidamo iyo lacag oo Imaaraadku lahaa.

Xukumadda Khayre iyo Farmaajo ayaa lala xidhiidhayaa in ay u xaglinayso dhanka xulufada Qadar iyo Turkiga oo lala xidhiidhiyo Iiraan in ay is fahan fiican leeyihiin inkasta oo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas si buuxda ula saftay dawladda Imaaraadka Carabta.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.