Siyaaysiyiin Ka Soo Jeeda Hawd Oo Wasiir Kaahin Uga Ashkatooday Madaxweyne Biixi

0
904 views
Siyaaysiyiin Ka Soo Jeeda Hawd Oo Wasiir Kaahin Uga Ashkatooday Madaxweyne Biixi
Kulamadii wakhtigii ololaha

Siyaaysiyiin Ka Soo Jeeda Hawd Oo Wasiir Kaahin Uga Ashkatooday Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Sayruuq)- Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Arab oo ka mid ahaa hormoodkii Xibsiga Kulmiye waqtigii olalaha ayaa shalay isku shubay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin ku waas oo si cadho leh uga dareen celiyey saami qeybsiga Beeshooda uu xukuumadda ka Siiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiyiinta oo uu gadhwadeen u ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid ayaa sida uu ilwareedo lagu kalsoonyihiin ka helay Sayruuqnews saacado badan wada qaateen xubnahaasi iyo Wasiir Kaahin oo ah saaxiib ka kowaad ee Muuse Biixi wax ka dhagaysto, waxaanay isla qaada dhigeen sidii ay saamiga ay Beeshoodu laheyd aanu marnaba Madaxweynuhu u tixgaleen sidaas hadii uu ku sii wadana ay mucaaradad xoog leh kala hor iman doonan xukuumadda cusub.

Wasiir Kaahin ayaa la sheegay in uu u ballan qaaday in arrintan siyaasiyiinta iyo madaxweynaha ka odeyeyn doono .

Geesta kale salaadinta iyo cuqaasha dhammaan ardaayadda Beealaha Arab ayaa iyaguna arrintaasi shir weyn ka yeeshay iyagoo la sheegayo in ay dhawaan ku dhawaaqi doonan shir ay ku yeelan doona magaaladda Baligubadle .

Tallaabada ay qaadeen siyaasiyiintan la soo halgamay Madaxweyne Biixi cod badana uga soo hooyay degaankooda oo ayaa ka marag furaysa hadalkii caanka noqday ee madaxweyne Biixi bilawgii ba sheegay in ay dad badan fartooda eersan doonan. xil sugeyaashan waxay ka mid yihiin dadka fartooda eersaday maaddaama siyaasiyiintii ololaha soo galay ee beelaha Arab aanu waxba u diray Madaxweyne Biixi.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somalilan

sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here