Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Xamar Jooga Oo Qaddiyadda Somaliland Difaacaya

0
609 views
Akhriso: Baarlamaanka Somalia Oo Ka Walaacsan In Aan Sanadkan Laga Xajin Somalia & Somaliland
Baarlamaanka Soomaaliya

Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Xamar Jooga Oo Qaddiyadda Somaliland Difaacaya

Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee Xamar jooga ayaa markii u horaysay si shaac baxsan oo aan gabasho lahayn Somaliland uga difaacaya gefka Soomaaliya ku waddo Somaliland. Arrintan ayaa soo shaac baxday markii Soomaaliya ka hor timid heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ee dekedda Berbera.

Xildhibaanno dhawr iyo toban ah oo Somaliland u dhashay ayaa aqalka hoose ee Soomaaliya Isniintii hore hor keenay mooshin ay ku doonayaan in aan la mamnuucin shirkadda DP World inkasta oo lagaga awood batay dalabkooda.

Arrinta DP World oo aqalka sare u gudubtay ayaa sii xoojisay sida siyaasiyiinta Somaliland ula yaaban yihiin weerarka qayaxan ee Muqdisho ku hayso Hargeysa. Waxay dooddooda udub dhexaad uga dhigeen in dawladaha Addis Ababa iyo Abu Dubai lagu daro xeerka lagu diidan yahay Berbera dalalkaas oo saamayn ku leh Soomaaliya oo ciidamadooda iyo safaaradahoodu joogan qayb weyna ka ah heshiiska Berbera.

Xildhibaan Mustafe Qodax aqalka sare ee baarlamaanka Somalia

Xildhibaan Muna Cumar Xasan aqalka sare

 

Xildhibaan Nuura Faarax aqalka sare

 

Wasiir Maareeye

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.