Siyaasiyiin Mucaarad Ah Oo Qalbidhagax Dhawr Qodob Ku Boorriyay

0
331 views
Siyaasiyiin Mucaarad Ah Oo Qalbidhagax Dhawr Qodob Ku Boorriyay

Siyaasiyiin Mucaarad Ah Oo Qalbidhagax Dhawr Qodob Ku Boorriyay

Siyaasiyiinta kala ah Maxamed Cumar Carte,Xildhibaan Mahad Salaad,Maryan Qaasin iyo Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Cabdikariin Qalbidhagax oo dhawaan xabsiga ka sii daysay dawladda Itoobiya kadib markii sanadkii hore xukumadda Farmaajo dhiibtay.

Siyaasiyiintan mucaaradka ku ah xukumadda Farmaajo ayaa la rumaysan yahay in ay kala hadleen hawlahooda iyo sida ay uga soo horjeedeen dhiibistiisii maaddaama uu isna si weyn ugu kacsan yahay nidaamka Farmaajo oo dawladda Itoobiya u gacan galiyay iyaga oo argagixisonimo ku eedeeyay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay qodobadan ka wada hadleen Qalbi-dhagax:-

Waxaan maanta fursad u helnay in aan la kulano halgamaa C/Karin Sh Muuse (Qalbdhigax). Wuxuu shacabka Soomaaliyeed uga mah celiyey sida ay u garab istaageen. Waxaan ku dhiira gelinay

 

1- In uu xoojiyo dareenkii Soomaalinimo ee lagu taageeray.

2- In uu u istaago xuquuqda inta dulman iyo in aan go’aan siyaasadeed ee Dawlad Soomaaljyeed leedahay ruux Soomaali ah mar danbe lagu dhiibin,

3- Iyo in aan wadajir ugu guntano sidii isbedelka Itoobiya ka socda looga faa’iiday lahaa Soomaalida meel kasta ay degto. Wuxuu noo sheegay in uusan Soomaalida kala sooci doonin, Soomaalinimada ay deeqdo.

Qalbi-dhagax Shaaciyay Ciddii Dhiibtay & Sidii Loo Xidhay

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.