Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid Oo Faahfaahiyey Nuxurka Shir Deg Deg Ah Oo Saaka Masuulyiinta Xisbiga Waddani Isku Yimaaden

0
4 views

Hargeysa (Sayruuq):- Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid ayaa waxaa uu faahfaahiyey kulan deg deg ah oo ay saaka isku yimaadeen saraakiisha xisbiga Waddani isla markaana ay ku falan qeynayeen mawqifka xisbigu ka qaadan doono saldhiga military ee dawlada imaraadku ka codsatey magaalada Berbera in laga siiyo .

Muddane Xussen Axmed Ceydiid waxaa uu sheegay in ay saaka iyaga oo ah guddi uu xisbiga Waddani u saaray arinta Saldhiga Berbera ay ka wada hadlayeen sidii ay u diyaarin lahayeen isla markaana u faaqi lahayeen mawqifka uu xisbiga Waddani arintaasi ka qaadan lahaa oo dhawaan soo bixi doona waxaana uu yidhi

“Maanta waxaanu halkan ku fadhinay guddi xisbiga Waddani ka tirsan oo loo xil saarey in ay soo diyaariyaan mawqifka uu xisbigu ka qaadan lahaa arin baryahan la hadal hayey oo wararkeedi isa soo tarayaan oo la xidhiidha saldhig Military oo dawlada Somaliland ka bixineyso magaalada Berbera .

Markaas arintaas baanu iskugu nimid meel fiicana waanu marineynaa , hadii alleh yidhaah dana mawqif cad aya dhakhso ka soo bixi doona xisbiga ,arintaasna markaanu xisbigii iyo gudidii fulinta aanu ku celino waxaa si dhakhso ah u soo bixi doona mawqifkii xisbiga ” ayuu yidhi Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here