“Siyaasada Somalia Ka Socota Waa Nijaas,”Prof Samatar

0
925 views
“Siyaasada Somalia Ka Socota Waa Nijaas,”Prof Samatar

“Siyaasada Somalia Ka Socota Waa Nijaas,”Prof Samatar

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa eedo culus u jeediyay guddoomiyaha golaha shacabka Somalia Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo hoggaanka xukumadda Muqdisho Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo ra’isal wasaare Khayre. Waxa uu dhalliilay kartida Jawaari oo uu nin khiyaamole ah ku sifeeyay.

Sidoo kale hoggaanka xukumadda Muqdisho waxa uu ku eedeeyay in ay bixinayaan lacago si ay baarlamaanka uga eryaan Prof Jawaari. Ujeedadooda ayuu ku tilmaamay sidii kursiga loo keeni lahaa guddoomiye amarradooda u dhego nugul oo ay kolba dhan u jeediyaan.

Mooshinka khalkhaliyay siyaasadda Soomaaliya ee ku saabsan kursiga guddoomiye Jawaari wuxuu ku tilmaamay mid sababi kara dagaal sokeeye oo galaafan kara askar aan waxba galabsan iyo shacab maati ah.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa ku dooday in Jawaari golaha keenay ciidamo aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen oo haddana dirayska xidhan waxaana xaaladdii maanta lagu macneeyay mid laba maleeshiyo oo madaxtooyada iyo Jawaari kala taageersan isku dhici gaadheen, islamarkaana taliska AMISOM ku kala guntaday.

Dhegayso waraysiga uu BBC siiyay Prof Samatar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.