Siyaad Bare iyo Mingiste keebaa muwaadinsanaa oo dalkiisa u lexjeclooday markii xoogagii ka soo horjeeday soo galeen magaalooyinka, xaga hoose ka akhri jawaabtaasi”

0
374 views

“Siyaad Bare iyo Mingiste keebaa muwaadinsanaa oo dalkiisa u lexjeclooday markii xoogagii ka soo horjeeday soo galeen magaalooyinka, xaga hoose ka akhri jawaabtaasi”

Falanqeyn ku saabsan Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo kulankii xalay Maamuus hoteel
———–
Kulankii Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo dhallinyaradda xaafadda New Hargeysa ayaa lagaga doodayey doorka dhallinyaraddu ku leeyihiin dhismaha qarankoodda.
Waxaan jeclaystay inaan falanqeyn guud ka sameeyey kulankii xalay, inta badan madalaha noocan oo kale ah tagitaankeedu wuu igu yar yahay amaba maba tago, waxaanay ahayd xafladii igu horeysay ee aan ka qaybgallo madal uu Prof Samatar muxaadiro ka jeedinayo, waxaanay ahayd markii ugu horeysay ee waliba HOoteel Maamuus lagu qabto xaflad aqooneed tan oo kale ah , waxaanay dhallinyaraddii hawsha waday shaaciyeen inay bar bilow u tahay oo ay waddi doonaan madalaha aqoon korodhsiga ah oo ay sheegeen inay inta badan xaafadan aanay ka dhici jirin.
Xafladdii xalay waxa iga soo baxay inay dhalinyaraddu u ooman tahay goobo ay ku kulmaan oo aragtiyahooga ku soo bandhigaan, isla markana wax isku waydaarsadaan, waxaanad ka dareemaysay sida hoolka loo soo buuxiyey bacda makhribkiiba, wallow dadka qaar dibadda taagnaayeen markii uu hoolku ka buuxsamay qaar badana markii kuraas ay waayeen saacado badan ay taagnaayeen xaga dambe.
Ballanta waxay ahayd inay muxaadaradu bilaabanto 7:30, haseyeeshee waxay dib u dhacday muddo saacad ku siman 8:30 ayey bilaabantay, aqoonyahan Samatar wuxuu khudbadda waday in ku dhow saacad oo ah 8:30 iillaa 9:40 PM, wixii intaas ka dambeeyey su’aalihii baa bilaabmay oo ila tobankii iyo dheeraad ayey socotay.
Inta aanay martidu iman waxaan la sii sheekaysanayey dhalinyartii kale ee madasha joogtay, qof walba wuxuu isku diyaarinayey inuu su’aallo waydiiyo, waxaanay usii badnaayeen su’aallo ka dhashay waraysigii uu HCTV siiyey oo ay u arkayeen inuu arrimo badan oo uu jeclaa in la sameeyo aanay xukuumaddu samayn iyo inay ogaadaan mar hadii uu KUlMIYE usoo halgamay ma isaga xilka diidan mise xil baan la siin, waa arrimaha ka dhex guuxaayey dhallinyaradda.
Inta badan dadku isku aragti maaha oo dadka jooga Boorama ama Burco isku wax ma danaynayaan, sidoo kale, qofka Jooga Axmed dhagax iyo ka jooga Koodbuur isku si wax uma wada arkaan, waana sababta marka survey la samaynayo loo diido in dad meel qudha wada joogo loo warayso, waayo dadkaasi waa isku aragti waxa la doonaya dad aragti kala duwan oo jawaabo kala duwan bixiya, sidaas darteed, aniga xiiso gaar ah ayey ii ahayd inaan sheekaysano oo arrimo badan ka wada doodno dhallinyaro aanu kala afkaar ama kala aragti nahay, saacaddii aanu sugaynay iyo intii ka horeysayba wajiyo aanu isku cusub nahay baanu kolba qodob ka wada sheekaysanaynay, taas oo wax badan kuu ifinaysa maskaxdaadana balaadhinaysa, hadii xafladani ka dhici lahayd Maansoor runtii xiiso umaan qabanayn mana tageen horena uma tagin, laakiin waxa xiiso ii samaynayey aniga waa inaan arko kala duwanaanshaha bulshadda iyo aragtiyaha oo ay saamayn ku yeelanayso deegaanku, maahmaaha Ajanabi ah ayaa tidhaahda (deegaanka qofka sameeya ama saameeya ).
Professor-ku wuxu dhawr jeer ku celceliyey in aanay dhalinyaraddu midba reerkoodda uun ku taageerin khalad iyo sax ee ka koraan reerka oo ay ku mashquulaan wax akhriska, aqoonta iyo naadiyadaha aqoonta samaystaan oo intii isku aragti ahiba wax wada samaystaan.
Wuxuu aad ugu dheeraaday sida siyaasaddu iskugu xidhno aragtiyaha kala duwan iyo bulshooyinka kala duwan, sidoo kale sida ay iskugu xidhmaan dhaqaalaha, qaran dhiska iyo siyaasaddu oo uu xusay in siyaasaddu aabo u tahay dhamaan arrimaha dawladnimada oo siyaasaddu hagto bulsho kala diimo, kala dhaqan, kala dhaqaale iyo midab ah, iyada amma wax kala kaxaysa ama isku xidha.
Sidoo kale mar uu ka hadlayey wadaniyadda waxa uu tusaale usoo qaatay Siyaad Bare iyo Mingiste Xaylo maryam oo Soomaaliya iyo Itoobiya kala hogaaminayey, labaduba iskaga mid bay ahaayeen kalitalinimada iyo mucangagnimada balse waxay ku kala baxeen wadaniyada iyo dal jacaylka.
Siyaad Bare 1989 kii ayaa ergaygii UN-ta u joogay Soomaaliya kula taliyey in dalku burbur ku jiro si aanu dalku u burburin uu xukunka wareejiyo isagana la damaanad qaadi doono isaga iyo qoyskiiba inay dalka uu codsado la geeyo, haseyeeshee waxa uu siyaad Bare ku jawaabay “Muqdisho aniga wax ka dhigay, iyadoo boodh badan oo guri ka taagnayn baany caasimad balaadhan oo qurux badan oo la iskugu yimaada ka dhigay, hadii anigoo dhisay la iga saarayo anna waxaan ku balanqaadayaa inaan sideedii ku celiyo oo aanu dal iga hadhayn, sidiibaanay u dhacday, halka Mingista marka uu arkay in xoogagii ka soo horjeeday Caasimada Addis wax yar u jiraan ayuu diyaarad u goostay Kenya, markii madaxda Kenya u timid ee ay tidhi maxaanu ku qabanaa waxa uu yidhi aniga waxba ha ii qabanina diyaaradda waxa leh Itoobiya ha loo celiyo waa xoolo qaranka Itoobiya leeyahay, anigana I siiya diyaarad aan ku tago Harari.
Dhallinyaraddii madasha joogtay waxa qaatay qiiro wadaniyeed taas oo badan ilowsiiyey, hoolkan waxa fadhiyey oo iyaduna mudan in la xuso wasiir dhalinyaro ah waa wasiirka Maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga iyo Agaasimaha Qorsheynta qaranka, wasiirku safka hore fadhiyey balse dadku badankoodda may garanayn, isaguna kama duwanayn dadkii meesha fadhiyey ee aqoonta usoo doontay, waxaana waxyaalaha muhiimka ah ee xukuumadda ku amaanan tahay in aanu wasiirku iska weynaysiin dadka uu adeegaha u yahay, xiitaa xidhiidhaha iyo Profesorka laftiisu inaanu garanayn bay u muuqatay, haseyeeshee waxaan ku wargaliyey xidhiidhiyaha inuu wasiir madasha inala fadhiyo oo loogu mahad celiyo inuu madasha dhalinyaradda inagala soo qaybgallay, haseyeeshee waxa ka kacay iyadoo arrintii aanu sheegin xafladuna socoto.
Isku soo wada duub dhalinyaraddu jihayn bay u baahan yihiin, way ooman yihiin cilmi iyo waayo aragnimay doonayaan, madalo lagu kulmay u baahan yihiin waxay u baahan yihiin in bishii mar dhallinyaradda waayo aragnimada iyo aqoonta u baahan la waraabiyo si ay u oomaan baxaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.