Sisi & Abiy Oo Isku Raacay Arrin Somalia Ku Saabsan

0
618 views
Sisi & Abiy Oo Isku Raacay Arrin Somalia Ku Saabsan

Sisi & Abiy Oo Isku Raacay Arrin Somalia Ku Saabsan

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shalay wada hadal la yeeshay madaxweynaha Masar Cabdifatax Al-sisi kadib bookhasho Qaahira uga bilaamatay Sabtidii. Intii lagu gudo jiray wada hadalka waxay labada hoggaamiye isla garteen in wada jir looga shaqeeyo arrinta biyaha Nile-ka, arrimaha labada dal ka dhexeeya iyo in la sameeyo isku xidhnaansho dhanka maalgalinta kaabeyaasha dhaqaalaha ah sida Tamarta.

Madaxweynaha Masaarida iyo ra’isal wasaaraha Itoobiya waxay isku raaceen in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha lagu nabadaynayo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Waxa kale oo ay Masar u bogtay qorshaha cusub ee Itoobiya ku soo afjarayso xiisadda Eriteriya ka dhexeysa.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya waxa uu wacad ku maray in aanu waxyeelo u gaysan doonin danaha biyaha Nile-ka ee Masar “Waxaan Allah in aanay Itoobiya wax dhibaato ah u gaysan biyaha Masar,” Sidaas ayuu yidhi ra’isal wasaare Abiy.

Dhankiisa madaxweynaha Masaaridu wuxuu ballanqaaday in uu xoojinayo iskaashiga labada waddan oo uu ku tilmaamay mid istaraatiji ah. Waxa uu sheegay in qorshaha Masar yahay in dhammaan danaha guud ee labada dal wax ka qabashadooda kor loo qaado.

Masar iyo Itoobiya ayay ka dhexaysa xurguf ka dhalatay dhaamka Itoobiya dhisanayso oo waxyeelaya biyaha Nile-ka oo Masar si weyn ugu ilaashato. Waxa la rumaysan yahay in Masar si ay u ilaashato danaheeda biyaha Nile-ka u beeri jirtay colaadda Soomaaliya iyo Itoobiya laakiin, ra’isal wasaaraha Cusub ayaa u muuqda in uu hoos u dhigayo xafiiltanka ka dhexeeye dalkiisa iyo dalalka dariska ah oo uu waji fiican ku wada qaabilay.

Source: Fana

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.