Sirdoonka Oo Xidhay Gabadh Xamar U Socotay

0
235 views
Naciima Qorane Oo Ku Adkaysatay Mawqifkeeda Soomaaliweyn

Sirdoonka Oo Xidhay Gabadh Xamar U Socotay

Ciidamada sirdoonka Somaliland waxay shalay subax xabsiga u taxaabeen Naciima Abwaan Qorane oo ah gabadh baraha bulshada wax ku qorta. Waxa xadhiga gabadhan u xaqiijiyay wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog waalidkeed.

Gabadhan ayaa la xidhay wakhti ay doonaysay inay ka dhoofto garoonka diyaaradaha ee Cigaal. Inantan dhalinyarada ah ee reer Somaliland waxay muddooyinkii u dambeeyay ku noolayd Muqdisho waxaana lagu xasuusta goob fagaare ah oo ay uga oyday calanka Soomaaliya iyo midnimo Soomaaliweyn.

Naciima ayaan la gaban mabda’eeda ah midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay baraha bulshada ugu ololaysa midnimo Soomaalida dhex marta lamana oga in fikirkeedan lagu haysto iyo in kale.

Dawladda Somaliland ayaa inta badan xidha dadka reer Somaliland ee Xamar tagga kuna lug yeesha fikirro siyaasadeed ama qaata fikirka midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo Somalia kuwaas oo lagu eedeeyo qaran dumisnimo ama khiyaamo Qaran waxaana hore loo xidhay dad kala duwan oo wariyeyaal iyo fannaaniin ka mid tahay.

Sidoo kale waxa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada la wareejinayay bandhigan hoose oo ku saabsan fikirkeeda

Image may contain: text

Fannaanka Nimcaan Hillaac Hooyadii Oo Ka Hadashay Xadhiga Wiilkeeda

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.