Sirdoonka Faransiiska oo Fududeeyey Dilkii Godane iyo Diyaaradii Dishay oo Jabuuti Laga Diray.

0
3 views

Hargeysa(Sayruuq) Sirdoonka dalka Faransiiska ayaa qeyb weyn ka qaatay dilkii Mareykanku ku dilleen hogaamihii Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Abuu Zubery 1-dii bishaan September loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya, warkaasi waxa sheegtay Wargeyska todobaadlaha ah ee ka soo baxa Dalka Faransiiska ee Le Point oo soo xiganayey waaxda arrimaha debadda ee sirdoonka Faransiiska.
Warbixinta ay wargeysku Qoray ayaa ciwaan loogga dhigay “Dawlada Faransiiska iyo Madaxweyne Francois Hollande waxxay taageereen, waxna ka qorsheeyeen howlgalkii sirdoon ee lagu dilay hogaamiyihii Alshabaab ee ay geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka” Ayuu yidhi Le Point magazine.
Waxa kale oo warbixintu tidhi “Macluumaadka muhiim ah oo la xiriira howlgalkaas, gaar ahaan nooca Gaadhiga uu watay Godane iyo wadadii uu marayey ayaa loo diray wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon” ayaa lagu yidhi Majalada Le Point oo soo xiganeysa waaxda arrimaha debadda ee sirdoonka Faransiiska.
Faransiiska ayaa hogaamiyihii Alshabaab ee la dilay u heystay inuu ka dambeeyey afduubka labo sarkaal oo ka tirsanaan sirdoonka dalkaas, oo sanadkii 2009 laga afduubay Muqdisho.
Mid ka mid ah labadaas sarkaal waa la sii daayey, kan labaad oo ahaa Denis Allex, waxaa lagu dilay howlgal milateri oo fashilmay oo Faransiisku ku qaaday deegaanka Buulo Mareer bishii January ee sanadkii hore ee 2013.
Mareykanka ayaa hogaamiyaha Alshabaab iyo labba Xubnood oo kale 1-dii September ku dilay gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Alshabaab dilkaas shaaciyeen 6-dii isla bishaan, iyagoo magacaabaya hogaamiye cusub oo lagu magacaabo Axmed Cumar Abu Cubeyda.
Kooxda Alshabaab ayaa ku hanjabtay iney u aargudi doonaan hogaamiyahoodii la dilay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here