Siilaanyo:Daahir Riyaale Oo Hargeysa Ku Soo Laabtey Iyo Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Madaarka Ku Soo Dhaweeyey

0
11 views

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Riyaale Oo Hargeysa Ku Soo Laabtey Iyo Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Madaarka Ku Soo Dhaweeyey .
Hargeysa (Sayruuq)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu mudooyinkii ugu danbeeyey uu ku noolaa dalka Faransiiska .

Madaxweyne Daahir Riyaale waxaa madaarka Hargeysa kaga hor tagay oo ku soo dhaweeyey musharax madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro iyo saraakiil sar sare oo xisbigaasi Ka Tirsan .

Kulan gaar ah oo Musharax Cabdiraxmaan Ciro iyo Madaxweyne Daahir Riyaale ku qaateen qolka nasashada ee madaarka Hargeysa waxaa uu Daahir Riyaale warbaahinta kula hadley dibada waxaana uu sheegay in aanu ka hadleen siyaasada dalka balse uu alleh uu ka baryaayo in u abaaraha dalkaka jabiyo

Safarka uu Daahir Riyaale Kaahin uu saaka ku yimid Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay soo dhawadeen doorashooyinkii madaxweyne nimo ee dalku .

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here