“Siilaanyo Iyo Tan Muuse Ba Hanti-Dhowrka Xafiiska Madaxweynaha Laga Hagaa.”

0
225 views
“Siilaanyo Iyo Tan Muuse Ba Hanti-Dhowrka Xafiiska Madaxweynaha Laga Hagaa.”
Prof Cabdi Cali Jaamac

“Siilaanyo Iyo Tan Muuse Ba Hanti-Dhowrka Xafiiska Madaxweynaha Laga Hagaa.”
Hargeysa(Sayruuq):-Siyaasi Cabdi Cali Jaamac, ayaa sheegay in mudadii dawladnimada ee Somaliland ee ka soo kala talinaayeen Madaxweyneyaashii Cigaal, Ra’yaale, Siilaanyo iyo Muuse Biixi ba aanay hay’adaha Hanti-dhowrka, Bileyska iyo Bandhiga dhaxe ba helin madax-bannaani buuxda oo ay ku fushadaan hawlahooda shaqo, waxaana uu ifiyey in hanti-dhowrka guud ee qaranka Somaliland laga maamulo xafiiska Madaxweynaha isaga oo aad carabka ugu adkeeyey in aanay suurto-gal ahayn in ay isla jaan-qaadaan nidaamka dimuqraadiyadda iyo hay’adaha aan madaxa bannaaneyn ee dalka.
Pro.Cabdi Cali, wuxu sidan ka sheegay in barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee Universal Tv, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay kal madax-bannaaneynta hay’adaha qaranka Somaliland isaga oo arrimahaas ka hadlaaya na wuxu yidhi:-
“Imika waxa aynu qaadaney nidaam dimuqraadi ah oo weynu is dooranaa, madaxdeena na waynu dooranaa, baalamaanka, madaxweynaha iyo goleyaasha deegaanka ba waynu dooranaa, markaa runtii imika nidaamkeenu waa kala jaad oo laba kabood oo kala kaan ah baynu xidhan nahay, dhanna wayn dooraneynaa Madaxweyneyaasheenii iyo Baarlamaankeenii ba se dhinaca kale na maamul wanaagii ma jiro, hanti dhowrahii ma madax-bannanaa, bileyskii na ma madax-bannaana, dhammaan hay’adihii la doonaayey in ay madax-bannaanaadana ma madax-bannaana, markaa marka aynu qaadano dimuqraadiyad waa in dhinaca kale na nidaamkii maamul wanaagu uu la socdaa oo isla xisaabtankii iyo maamul wanaagii iyo xuquuqal insaankii oo waxaas oo dhammi ay iyagu na la socdaan se haddii laakiin aad is doorato oo madaxdaada doorato se maamul wanaagii iyo xuquuqal insaankii ba kaa maqan yahay, imika bangiga dhaxe ma madax-bannaana, hanti dhowrahii qaranku na ma madax bannanaa, bileyskaagu na ma madax-bannaana, marka la eego hanti dhowraha oo kale mar baa jirtay dawladdi Ina Cigaal ay madax-bannaaneysay se markii uu hanti dhowrahu galay dekadda Berbera ayaa uu isna joojiyey oo inta uu yidhi waxaad doontaan baadha ayuu hada na joojiyey, markaa dawladihii Rayaale, Siilaanyo iyo Tan Muuse ba Hanti-dhowrku ma madax-bannaana oo xafiiska Madaxweynaha ayaa laga hagaa, bileysku na waa la mid ah, waxa la mid ah bangigii dhaxe, markaa dee dimuqraadiyad na meeshii waynu wadnaa, hay’adahaagii madaxa bannaanaa ee wax hubin lahaa na ma jiraan, markaa laba kabood oo kala kaan ah baynu xidhan nahay.”.
Bare Sare, Cabdi Cali Jaamac wuxu sida oo kale fariin u direy Bangiga dhaxe ee Somaliland isaga oo ugu baaqey in aanay waxba ku daalin jebin qiimaha sarifka lacagaha qalaad.

“Sicir-bararku waa mid ina soo daashadey oo imika qeyb ka mid ah dhaqaalaheena ba iska noqdey oo gudaha ku abuurmay, markaa waxa weeyaan anigu la dagaalankiisa na tallo ayaan soo jeediyaa oo waxa aan ku idhaahdaa waxba ha jebinina oo qolada Bangiga dhaxe waxa ay had iyo jeer yidhaahdaan waanu jebinaynaa, markuu Shanta Kun 5000(Shan Kun) maraayey ayey odhan jireen waanu jebineynaa, markaas waxa aan ku odhan jiray waxba ha jebinina ee halkaas ku haya, hada na markii uu Lix kun maraayey ayaan ku odhan jiray waxba ha jebini na ee halkaas ku haya, imika na waa ka halkaas maraaya, imika na waxa aan lee yahay waxba ha jebinina ee waar Tobankaa kun uun ku fadhiisiya.”.Ayuu yidhi Cabdi Cali.

Siyaasi Cabdi Cali wuxu sida oo kale war-war ka muujiyey xaaladda nololeed ee dalka oo uu sheegay in uu maanta dalku maraayo halkii ugu darneyd, waxaana uu yidhi:-
“Nasiib darro imika waxa jira in qeyb kasta oo nolosheena ka mid ahi ba ay sii xumaaneyso, markaa imika haddii caafimaad jiro oo wax soo hagaagayaan waa sax in aad igu tidhaahdo ha deg-dagin ee sug inta wax hagaagayaan se su’aashu waxa ay tahay horta ma bilaabmay nidaamkii caafimaadka ee aynu ku hagaageynay dawladnimo ahan mise waxa inagu bilaabmay nidaam dawladdeed oo xanuun ah, imika qof kasta haddaad weydiiso meel kasta oo ka mid ah mujtamaceena, dee meel kasta oo nolosheena ka mid ahi ba waa ay ka sii dareysaa .”.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.