Sidee Madaxweyne Muuse U Qaybiyay 87 Xil Oo Uu Magacaabay?

0
890 views
Madaxtooyada Oo Diiday Shaacinta Weftiga Imaaraadka

Sidee Madaxweyne Muuse U Qaybiyay 87 Xil Oo Uu Magacaabay?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo rubuc sanad talada dalka haya hormadii u dambeeyay ee xukumaddiisa magacaabay shalay. Lama oga in ay wali u dhiman yihiin xilal kale oo uu magacaabayo hase ahaatee waxa hadda la falanqaynaya sida uu kuraasta u qaybiyay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa beesha dhexe(Isaaq) siiyay inka badan 70%. Beelaha ku xooggan Kulmiye ee Habar Awal iyo Habar Jeclo ayuu siiyay 45%. Beelaha Samaroon, Ciise iyo Harti ayaa xukumaddiisa ka helay 9%, 13% iyo 2% sida ay isugu xigaan. Beelaha Gabooye ayaa 1% ka ah xukumadda.

Sidee Madaxweyne Muuse U Qaybiyay 87 Xil Oo Uu Magacaabay?

Bulshada Somaliland ayay siyaasadeed ku salaysan tahay saami qaybsi beelaysan oo kuraasta la isugu tirsado. Hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland ee lagu qasay qabyaaladda ayaa isku dayaya in uu dabakho u abaal celinta beelaha codka siiyay taas oo beelaha aan codka bixin baaqi kaga dhigaysa mucaaradnimo ilaa inta ay kursiga madaxweyne ku guulaysanayaan.

Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda mid si aan gabasho lahayn ugu abaal celinaya beelaha codka siiyay una arka in ay xaq u leeyihiin mucaaradnimo kuwii codkooda Waddani siiyay laakiin, dadka siyaasadda odorosa ayaa aamminsan in nidaamka cod ku raadinta abaal siyaasadeed meel daran ka tuurayo dawladnimada maaddaama dawladnimadu u muuqanayno meelo dad gaar ah ku muraadsadaan, islamarkaana hadba kooxaysiga talada haya loo arko kuwo dawladnimada kale muwaadiniinta kale.

Halkan ka akhriso wasaaradaha ay beeluhu kala hayaan

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.