SIDEE AYAY TUUGADU WAX U XADAAN W/Q: Xasan Cabdi Madar

0
123

“Ma waxad u malaynaysaa in qufulku gurigaaga ka difaaco tuugta? Kama ilaaliyo, wuxuse ka ilaaliyaa in dadka caadiga ahi ku xadaan?”
Sidaa waxa yidhi nin ka mid ah ragga fura albaabada furayaashu ka lumaan oo la hadlayey nin uu albaab u soo furayey.

Ereyadaasi waxa ay i xasuusiyeen xilli hadda labaataneeyo sano ka soo wareegtay aniga oo joogay dal basaska si cidhiidhi ah lagu fuuli jiray oo nooca tuugada jeeb-siibku ku badnayd, markaas oo wiil aannu saaxiibbo ahayn igu yidhi, ma ogtahay in dadka dalkani wada tuug yihiin oo xataa ka labbisan ee suudhka xidhani ku xadayo/ku jeeb-siibayo hadduu fursad kaa helo baska dhexdiisa ama meel cidhiidhi ah? Berigaa waan la yaabbanaa doodda saaxiibkay ee sida dad dhan oo dal ku wada nooli tuug u wada noqon karaan, markan dambese waxa ii baxday in tilmaanta saaxibkay bixiyey aanay dadka dalkaa gooni ku ahayn balse ay tahay wax aadamuhu meel kasta ha joogee ka siman yahay ayse ku kala duwan yihiin dabarrada xidhaya. Waxa ii baxday in xatooyadu tahay wax aadamaha ku abuuran oo hanqalka ula soo kacda kolba sida ay u hesho fursad kicin karta. Arrintaa waxa ii sii iftiimiyey cilmi-baadhis uu sameeyey qoraaga iyo macallinka Dan Ariely oo wax ka dhiga jaamacadda Duke University oo buuggiisa, “The (Honest) Truth About Dishonesty” ku soo qaatay dhacdo uu uga sheekeeyey mid ka mid ah ardaydiisa oo furihii aqalka ku dhex illaaway oo iskaga xidhay. Ardayga oo tilmaan ka bixinayey sida aadamuhu wax u xado waxa uu yidhi:

“Waxa aan u yeedhay farsamo-yaqaan khibrad u leh furista albaabada iyaga oo xidhan furayaashu ka lumaan. Waxan la yaabay sida dhaqsaha ah ee fudud ee uu ninkani albaabka u furay. Markii aan weydiiyey waxa uu yidhi ‘waxa qufullada aqallada loogu xidhaa uun in dadka aamminka ah ay ka ilaaliyaan in ay wax ka xadaan guryaha. Boqolkiiba hal (1%) keliya dadka ayaa aammin ah oo aan weligii wax xadin, boqolkiiba halna (1%) aammin ma aha oo mar walba waxa uu isku dayaa inuu wax xado ama jabsado aqallo iyo meheredo. Inta soo hadhayna waa aamin ilaa ay arkaan wax dagan ama ay soo hormaraan wax ku soo jiida inay wax xadaan. Qufulladu kaama ilaaliyaan tuugta oo hadday rabaan mar kasta gurigaaga si fudud u jabsan kara, waxase ay kaa difaacaan dadka aamminka ah oo haddii albaabkaagu furan yahay isku deyi kara in ay wax kaa xadaan. Waxa markaa aan ogaaday in 98% dadku ay wax xadaan hadday fursad dagan helaan, balse xasuusin kooban oo la xasuusiyo ama iyaguba xasuustaan ciqaabta ay la kulmi karaan diin ahaan, qaanuun ahaan, dhaqan ahaan ama sharaf ahaan baa badbaadin karta.”
Bal adiga qudhaadu dib ugu noqo noloshaada, ma isleedahay weligaa wax waad xadday? Haba ahaado xabbad qalin ah oo aad meel ka qaadatay oggolaansho la’aan ama xabbad nacnac ah ama jab rooti ah, ha yaraado, ha badnaadee kol ay tahay in aad gurigiinna wax ka xadday adiga oo yar.

Inta aynaan hoos u sii degin bal aan raaciyo weydiin la hordhigay laba saaxiib oo ahayd: In tuug keli ahi maalin walba ku xado iyo in maalin walba tuug cusubi ku xado midkee la qaatay?

Saaxiibkii koowaad waxa uu kaga warceliyey: Dee maalinba mid cusub oo aanad iska filayn. In mid keli ahi ku macmiishaa waxay tusaale u tahay doqoniimadaada iyo in god keliya marar badan lagugu qaniini karo. Laakiin dad kala duwani Waa dad xirfado iyo farsamooyin kala duwan la imanaya oo marnaba hoos uma dhigayso dadaalkaaga aad kaga hor tegeyso inay mar dambe dhacdo.

Saaxiibkii labaadna waxa uu ka yidhi isaga oo sababaynaya: kollayba sow maalin walba ma xadni, ka cusubi waxba ka tegi maayo oo sidii oo aanu dib ugu soo noqonayn buu wax walba xaalufinayaa…ka og inuu i macmiishay, ugu yaraan wuxuu ka tegayaa wax, oo uu is-odhanayaa berri u soo noqo.

Hadda labada saaxiib midkoodna si cad uma diidin in la xado.

Xatooyo marka laga hadlayo ma aha uun mid adduun weyn lagula fuqi karto balse waxa ay noqon kartaa mid aan qofku uba haysan in uu wax xadayo. Ka soo qaad in saaxiibkaa xafiiskaaga kuugu yimid oo uu la kulmay hal doollar oo miiskaaga saaran. Waxa ay u badan tahay in aanu qaadan halkaa doollar maxaa yeelay waxa uu isku arkayaa in uu wax xaday. Haddana ka soo qaad isla saaxiibkaa in uu arkay qalimaan miiskaaga saaran oo hal doollar la qiimo ah, waxa suutogal ah in uu qaato isaga oo aan isku haysan in uu wax xaday ama sidoo kale tallaagadda kala baxo daasad sharaab ah iyo in buskud ah isaga oo aan ku weydiisan sidaana ku isticmaalo isaga oo aan dhaaddanayn in uu wax xaday. Adiga qudhaadu ma laga yaabaa in aad xafiiskaaga ka qaadato qalimaan, buugaag iyo alaabo yaryar oo aad gurigaaga la tagto ama dad ku soo booqday siiso adiga oo aan fasax u haysan? In lacag la qaato haba tiro yaraatee waxa loo haystaa in wax la xaday in se la qaato oo lagu faro laabo shay aan lacag ahayn se qiimo lacageed leh waxa laga yaabaa in aan loo haysan in wax la xadayo. Haddii markaa waxyaabaha yaryar ee aan lacagta ahayn se qiimo lacageed leh la caadaysto qaadashadeeda oo qofka qaadanaya iyo ka laga qaadanayo aan midna u haysan in wax la xaday sidee xaal noqonayaa? Ma laga yaabaa in ay la taraarto oo wadiiqada yari waddada weyn ku darto? Dhab ahaan marnaba meesha ma taal ku talogal in wax la xado, dadka ayaase iska jecel waxyaabaha lacag la’aanta ama bilaashka ah. Way iska jirtaa in la isla oggol yahay, iyaga oo aan meelna kaga shirin, in waxyaabaha yaryar ee qalimaanta iyo waraaquhu ka mid yihiin aan kala qaadashadooda loo aqoonsan tuugo.

Sideedaba tuugnimadu waxa ay ka mid tahay sifooyinka taban ee aadamaha ku abuuran sida beenta, khiyaamada, xoolo-cir-doonnimada, iwm oo qofka ku dhex kora haddii aanu la iman wixii iyo awoodihii uu ku caabbiyi lahaa. Haddii la xakamayn waayo xatooyada waxyaabaha yaryar waxa ay ku gaadhsiin karaan xatooyo xoolo mug weyn sida ninkii tuugsanayey/dawarsanayey ee markii adduun badan loo aruuriyey haddana kolba is arka isaga oo weli tuugsanaya. Waxa ay noqotaa waxa loo yaqaan baabad ama balwad aanu qofku si fudud u deyn karin.

Sifooyinka taban qofka waxa ay ula kacaan dhinaca shaydaannimada, sifooyinka toganna dhinaca darajada malaa’igta ee dhowrsanaanta, aadamiguna waa mid labadaa ka dhexeeya, kolba sifada la kobciyo ayaana kobocda.

Dadku qof qof iyo bulsho ahaanba wax way u xadaan. Tuuggu qof ahaan waa laga yaabaa in uu guri jabsado se qayb dhan oo bulsho ka mid ahi waxa dhacda in ay xadaan waxyaabo la wada leeyahay sida cashuurta oo ay khiyaameeyaan iyo dakhligooda oo ay ka been sheegaan. Kuwa wax xadayaa kuwii masuuliyadda hawsha lahaa iyo kuwo aan lahaynba way noqon karaan. Hal tusaale oo ka mid ah xatooyada aan lala kala gabban waxa weeye: Cashuurta kala-wareejinta iyo kala iibsiga gaadiidka, dhulka iyo guryaha. Waxa hoos loo dhigaa qiimihii wax la kala siistay si cashuurta dawladda u xeroonaysa ee adeegga dadweynaha geli lahayd u yaraato. Arrimahaasi kuwo lala kala gabbado ma aha oo wadaad iyo waranle waa khiyaamo la isla oggol yahay, masuuliyadda koowaad haba yeelato ciddii xilku saarnaa ee ku mushaar qaadanaysaye. Kaasi waa tusaale caddaynaya in dadka badankiisu ay wax xadaan haddii fursadi soo marto iyaga oo aan caadiyan tuug ahayn.

Qaybaha nolosha aadamaha oo dhan tuugadu way gashaa. Tusaale ahaan xagga waxbarashada way gashaa. Imtixaanka la xado ee qishka loo yaqaan, mindhaa ereyga qish baa kala macno fudud tuugo/xatooyo’e waxa dhacda in qofku isaga oo aan sidii loo baahnaa iyo si u dhow toona wax u baran uu imtixaan walba derejo sare ku gudbo kadib marka imtixaanka uu xado ama qisho. Dhibka tuugada imtixaanka ama qishka ku baasay waxa weeye in arrintaasi tahay mid ka go’an bulshada iyo nidaamka dawladeed. Bal malee khasaaraha uu geysan karo arday dhakhtarnimo ku soo qalinjebiyey inuu qisho ama imtixaannada xado isaga oo aan wax hagaagsan baran dabeeto sidaa ku shaqo tegay oo ku noqday mid dadka daweeya ama gala qalliinnada culus. Bal qiyaas waxa laga filan karo mid isna maamulka baranayey oo oo qish ku qalinjebiyey kadibna laga doonayo in uu ummad dhan maamulkeeda saxo oo dawladnimo dhiso sidaana ku fadhiistay xafiis ummadda u adeega ama noqday mid qaanuunka bartay. Bal fiiri injineer dhisme oo aan dhismihii aqallada si fiican u baran imtixaankase si fiican u baasay sow ma imanayso in uu dadka guryaha ku dumiyo?

Marka aad sidaa tahay waxa hubaal ah in casharradii ku dhaafay fooge madhan noloshaada kaga tegeen qishkiina aanu waxba ka tari karin waxqabadkaaga nololeed, jeer dambena kugu soo bixi doono, dhaawac iyo khasaarena aad u geysan karto naftaada iyo nolosha dadkaaga iyo dalkaaga.

Sidaas baa tuugadu marka dambe u gaadhaa derejada iimaan la’aanta iyo in qofka waxbaba deeqi waayaan. Waxa la yidhaa qofkaasi waxaa wuu ku mamay, marka dambena dadku magacyo ay ku xalaalaystaan bay ula baxaan sida: dhacdhac, lufluf, hawl-fududeyn, iwm. Meeshu mushaar badan ma lahee dhacdhac ma leedahay ama dhacdhac iyo mushaar midna ma leh ayaa la odhan jirey beryo qaar. Tuugadu waa dhaqan xumo maamul oo bulshooyinka baabi’sa, binu’aadamkuna haddii la waabin waayo xadhkaha ayuu goostaa, xaydaabka xurmada iyo sharafta aadaminimo ayuu dhaafaa, xerada bahalaha iyo dugaagga ayuu galaa, aakhirkana arrini waxa ay ku dambaysaa in bulsho dhammi isla oggolaato oo aanay ceebsan tuugada iyada oo magacyo kala duwan ula baxda sida, dhacdhac, dillaal, shixaad, iwm.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isaga oo madaxweyne ah waxa uu arrintaa ka yidhi:

“Saddexdii sano ee aan joogay waxannu nidhi dadka ilaha dhaqaalaha ka shaqeeya mushaar dheeraad ah ha la siiyo si ay u badbaadiyaan ammaanada ay hayaan. Waxba tari weyday oo mushaarkii dheeraadka ahaana waa la qaatay amaanadiina waa lagu darsaday. Labaatan sano isbeddelka dadkeennii ku dhacay ma rumaysteen in uu boqol sano ku dhici karo.”
Ciqaab sharci oo dadka la saaro keligeed kama daweyn karto dhaqanka tuugada. In badan baa dad loo diley ama loo xidhay xoolo ummadeed oo ay xadeen haseyeeshee dhaqan xumadii tuugadu kuma joogsan, waanu jiri doonaa intaa aadame jiro, waxase ka fudud oo ka waxtar badan in nidaam lagu xisaabtamo la helo iyada oo ciqaabtu halkeedii ah, nolosha dadka la daryeelo, laguna abuuro dhaqan diin, Alle ka cabsi, sharaf dhowrasho, dal jacayl, iyo eedow qofka wax xadaa bulshada ku dhex eedoobo iyada oo beegsigu yahay boqolkiiba siddeed iyo sagaashanka (98%) hagaagi kara haddii baraarujinta iyo wacyi gelinta aan lagala daalin. Intaba halka ugu fudud ee laga bilaabi karaa waa barbaarinta ubadka yaryar si loo helo bulsho caafimaad qabta, balse weydiintu waxa ay noqon kartaa yaa samaynaya barbaarinta jaadkaas ah haddii intii waaweyneyd ee hoggaan qoys, mid dhaqan, siyaasadeed iyo dawladeedba gacanta ku hayey aanay qudhoodu helin barbaarintii loo baahnaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here