Sicir bararka shan qodob ayaa sabab u ah hadii wax  qabanayo

0
292 views

Sicir bararku waa arrin bulshadda saameeyey oo sanadkii u dambeeyey danyartii noloshoodii cidhiidhi ku noqotay.
Sicir bararka waxa sabab u ah waa wax la wada ogsoon yahay oo qof kasta hadii aad waydiiso ku sheegayo uma baahna in ganacsataddii dhibtan abuurtay tallo la waydiiyey, haseyeeshee hadii looga jeedo in dhibta jirta inay iyagu masuul ka yihiin loo sheego si aanay dhibaato kale u horseedin ama caqabad badan oo ka dhan ah xukuumadda ku kicin in la iska maslaxayo waa suurogal.
Qodobadda ugu mihiimsan ee sal dhig u ah sicir bararku waxay yihiin;
1. Lacagta Electronic –ga ah ee aanay cidi xakamayn oo shirkad waliba intay digit ay u baahato soo samaysato suuqa soo galiso waxay la mid tahay qof mishiinkii lacagta sameeya gurigiisa dhigtay oo kolba inta uu u baahdo uun soo daabacdo, marka waa in Baanka dhexe maamula lacagta ku dhex wareegaysa suuqa ee maalintaasi loo baahan yahay,isla markaana lacag damaanad ah ay shirkaduhu dhigtaan Baanka dhexe si uu u maamulo lacagta hawadda wareegaysa, sidoo kale waa in gabi ahaanba la joojiyo boqol dolar wixii ka yar in dolar la isticmaayo waayo wadanku shilling Somaliland buu leeyahay.
2. Lacagta qaadka ee Dollarka loo bedelayo habeenkii waa in shirkadaha jaadka lagu qasbaa in birtii ay awal horeba isticmaali jireen isticmaalaan, isla markaana lacagtan adag wadanka laga saarin.
3. Shirkadda DP wolrd oo iyana ku soo biirtay oo lacagta kaashka ee soo gasha markiiba dollar u bedesha oo markiiba wadankoodii u dira lacagta.
4. Sicir bararka waxa qayb weyn ka ahaa lacagtan cusub ee shanta kun iyo kunka shilling oo meeshii ka saartay lacagihii ka yaraa oo dhan, sidaas darteed waa in la yareeya lacagtan cusub ee suuqa lagu sii deynayo.
5. Waxa baryahan dambe jirtay in iyadoo baahi jirin ay xukuumaddu lacag iska soo daabacanaysay, taas oo isku dheeli tirnayn intii suuqu u baahna iyo intii suuqa la soo galinayey, taasina waxay abuurtay inay hoos u dhacdo qiimihii lacagta Shiling Somaliland.

Haddii intaas wax laga qabto oo awood dawladeed wax lagaga qabto sicir bararka meesha laga saaraya laakin inta shakhsiyaad iyo hebelo laga horumarinayo danta qaranka waxba inoo hagaagi maayaan.

WQ:Barkhad Ladiif

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.