Shirweynaha Beelaha Garxajis Oo La Cayimay

0
333 views

Shirweynaha Beelaha Garxajis Oo La Cayimay

Guddida qabanqaabada shirweynaha beelaha Garxajis ayaa iclaamiyay in shirkaasi qabsoomi karo bisha April ee sannadkan oo la rajaynayo in raxmadda gu’gu da’do. Shirka ayaa loo qorsheeyay gobolka Togdheer waxaana lagu sheegay in shirku khuseeyo aayaha beesha iyo kan qaranka labadaba.

Madaxda dhaqanka qaarkood oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay isku raaceen goobta iyo goorta shirweynuhu qabsoomayo, islamarkaana ay guddida ku ammaanayaan tabaabushaha ay wadaan. Salaadiin iyo boqorro ayaa dadka uu shirku khuseeyo ku boorriyay in ay xilligaasi u diyaar garoobaan.

Beelaha Somaliland ayaa inta badan ka tashada aayahooda mustaqbal oo aanay inta badan ka madhayn arrimo siyaasadeed iyo is gaashaan buuraysi waxaanu shirkani imanaya xilli si weyn gudaha Somaliland looga hadal hayo iskaashiyada beelaha ee siyaasiga ah oo dad badan ka dayrinayaan in qaranka ay waxyeesho.

 

Guddida Guud Ee Garxajis Iyo Hoggaanka Dhaqanka Oo Go’aammo Soo Saaray

Shirweynaha Beelaha Garxajis Oo La Cayimay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.