Shirkadda DP World Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Hawlo Ay Ka Qabanayso Magaalada Berbera

0
103 views

Hargeysa(Sayruuq) Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa khamiista maanta shaacisay war qoraal ah oo ku saabsan hawlaha ay ka qabanayso magaalada Berbera. Waxa ay sheegtay in hawlaha ay qabanaysa qayb ka yihiin heshiis ay la saxeexatay dawladda Somaliland.

Qoraalka ayaa u dhigna sidan:

Si waafaqsan joogtaynta hiigsiga horumarinta(Sastainable Development Goals, SDGs) ee Qaramada Midoobay si duni wanaagsan loo dhiso 15-ka sanno ee soo socda, DP World waxay bixinaysa Laba Milyan oo doollar(US$ 2 million) taas oo ay ugu deeqayso si ugu caawiso kordhinta biyaha iyo horumarinta caafimaadka Berbera kadib markii way heshiis la gashay dawladda Somaliland.

Maalgalintani waxay ku dhisan tahay shaqada DP World ka waddo Somaliland, halkaas oo ay ka waddo heshiiska mashruuca ujeedooyinka badan ee lagu horumarinayo 30 Sanno dekedda Berbera. Wax qabadkani wuxuu waafaqsan yahay 17-ka hiigsi ee Qaramada midoobay ee SDGs si wax looga qabto arrimo waaweyn sida helidda biya nadiif ah iyo wanaajinta nadaafadda, cidhibtirka fakhriga iyo gaajada, horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada, la dagaallanka isbedelka cimilada, iyo ilaalinta badaha waaweyn iyo kaymaha. Sidoo kale waxay qayb ka tahay DP World ahaan in aanu dhisno dunidayada, mustaqbalkayaga iyo joogtaynta horumarka.

Qayb ahaan mashruuca, DP World waxay Berber aka qodaysa afar ceel biyood iyo saddex ka baxsan oo gobolka Saaxil ah, si ay wax uga qabato biyo yaraanta baryahan jirtay, islamarkaana uga jawaabto dalabka badan ee biyaha ee la jaanqaadaya koboca kaabayaasha dhaqaalaha Berbera iyo horumarinta dekedda Berbera. Gobolka Saaxil waxa laba sanno saamayn xun ku yeelatay abaar daran, dadka Somaliland-na saddexdii qofba mid ayaa heli kara biyo nadiif ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Qayb ahaan deeqdan waxa lagu horumarinaya cisbitaalka guud ee Berbera iyo cisbitaalka dhimirka Berbera si loo xaqiiyo f helista adeeg caafimaad oo fiican loona yareeyo in bulshadu meelo ka baxsan Berbera caafimaad u aadan marka ay caawiyo u baahdan.

Guddoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem waxa uu yidhi “Taageeradan Berbera waxay qayb ka tahay sida ay nooga go’an tahay in aanu wax ka qabano horumarka meelaha aanu ka hawlgalno. Waxaanu ku kalsoonahay in deeqdayadu wax weyn u tarayso oo ay ka faa’iidaysanayaan dadka gobolka oo dhan. Waxaanu doonayna in aanu sii wadno in aanu si dhaw ula shaqayno xukumadda Somaliland iyo bulshada degaanka si aanu horumarino heerka nolosha ee bulshada iyada oo la horumarinayo kaabayaasha muhiimka ah iyo mashaariic joogtaysan.
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.