“Shirka Garxajis Waa Ibo-furkii Dawlada Hawdada,”Qabo

0
664 views
Qabo Oo Ku Baaqay In Dawladda La Taageero

“Shirka Garxajis Waa Ibo-furkii Dawlada Hawdada,”Qabo

Hargeysa(Sayruuq) wasiirkii Qorshaynta xukumaddii Siilaanyo Maxamed Aadan Qabyo-tire oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa waxa uu sheegay in shirweynaha beelaha Garxajis uga socda buurta Gacan Libaax oo horseedi doono dawladda Hawdada maaddaama madaxweyne Biixi markii la caleemo saarayay sheegay in xukumaddiisu tahay tii huunnada.

Waxa uu sheegay in aan beesha shirka qabsatay looga baqayn Somaliland “Runtii waa beel degaan balaadhan ku fadhida oo 14-ka gobo lee Somaliland 11 ka mid ah degta, 3 xisbi ayaynu leenahay laba iyaga hoggaamiya, marka maaha beel aynu Somaliland uga baqayno,” Sidaas ayuu yidhi Mr Qabyotire

Waxa uu saadaaliyay in waxa ugu weyn ee ka soo baxa noqonayo beesha oo kursiga ku guulaysata “Madaxweynuhu waa kii barigii dhawayd yidhi ‘dawladdani waa dawladdii huunnada’ marka shirkan Garxajis-na wuxuu ibo fur u yahay dawladda hawdada ee mustaqbalka. Kollay mar dhawna go’aanno way ka soo baxayaan wax wanaagsana waynu ka filayna,” Sidaas ayuu yidhi Qabyotire.

Waxa kale oo uu sheegay in shirkan ay keentay xukumadda oo la saluugsan yahay “Saluug baa laga muujinaya xukumaddeena iyo surmo seegto badan marka in mararka qaar la is waraysto oo wax badan dib loo eego way wanaagsan tahay laakiin, Khayr ayaynu ka rajaynayna,” Sidaas ayuu yidhi Mr Qabyotire.

Qabyotire oo ka mid ahaa Kulmiye ayay luuqaddiisu u muuqata mid qudhiisu saluugsan siyaasadda madaxweyne Biixi ku hoggaamiyay dalka iyada oo la filayay in Qabyotire ka soo dhex muuqdo hormooyinka dambe ee xukumadda Biixi.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.