” Shirka Garxajis Maxaan u taageeray, ” A. Guruuje

0
300 views
'' Kaftanka maanta ,Burco buur ma leedahay ?'' Guruuje

” Shirka Garxajis Maxaan u taageeray, ” A. Guruuje

Sanaddii 2009 ayaa aniga iyo koox cilmi baadhayaal ah oo hawl sahamin aha ka wadnay goor subax ah shaqo ka bilownay Xaafad la yidhaahdo Xaafad Soomaal oo ku taala Bariga Magaalada Ceergaabo , ka dibna 4 qof baanu ahayn xaafadii ayaa mid kaayaba meel ka galay .

Aniga iyo nin aanu wada shaqaynay oo buux-buuxinayna foom aanu ku shaqaynaynay ayaa waxaanu suaalo waydiinay waday Cimrigiisa noogu sheegay 97 jir .

Odaygaas suaalaha noogu qoran foomka ee aanu waydiinay waxaa ka mid ahayd haybta qofka la waraysanayo , Suaashaas oo ahayd suaasha 5aad markii aanu waydiinay wuxuu noogu jawaabay in uu yahay Muuse Ismaaciil , ka dibna anigoo qodqodaya waxaan ku idhi , Muuse Ismaaciil waayo dhawr jeer markii aanu suaasha aanu celcelinay ayuu ugu dambayn noo sheegay in Muuse Ismaaciil yahay Habar yooni .

Sababta Odaygu Muuse Ismaaciil nimada ugu adkaystayna waxay ahayd , wuxuu ahaa Odayg ka dhashay Ardaaga Maxamed Muuse ( Urur-sugge) oo degaan ahaan ka yimi deegaanka Jiidali ee Barriga Ceergaabo , waxaanu noo sheegay in aanu 97 sanadood ee uu jirey aanu weligii arkin Magaalada Burco , meesha ugu galbeedaysa ee uu arkayna ay tahay Ceel-afwayn .

Is tooyasho uu na toyday ka dib baan ku idhi , Weligaa Reer Isaxaaqa oo meel degen ma aragtay , dabeeto wuxuu iigu jawaabay Isaxaaq waan aqaanaa , warkiisana si fiican baan u hayaa laakiin weligay reer Isaxaaqa oo meel degen ( miyi) ma arkin .

Sidaa markay tahay , Obokor muusaha Uubaale ilaa Is goyska degen iyo Muuse Ismaaciilka Galbeedka Laas-qorey iyo Bariga Ceergaabo degeni waxba iskama yaqaaniin , Muuse Cabdlaha Buuraha Golis ee Marso ,Gacan-libaax iyo Sigiig degen iyo Reer Caynaashaha Harro doolood iyo Xodaya deganina waxba iskama yaqaaniin , Sacad Yooniska Bohol degen iyo Isaxaaqa Banyarro deganina waxba iskama yaqaaniin , sidaa darteed Shirka Garxajis waxaan ku taageeray bal wax kaleba ha danbeeyaan bal in horta Garxajis is barto .

“Aniga Ninka Habaryoonis ee Laasqoray Degan Waxa Iga Xiga Ninka Ogaadeen Ee Awaare,” Eng Faysal

Axmed Nuur Guruuje

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.