Shirgudoonka Labada Aqal Ee Guurtida Iyo Wakiilada Oo Hada Isku Shubay Madaxtooyada Somaliland + Sababta Loogu Yeedhay

0
1 views

Hargeysa (Sayruuq):- Labada shir gudoon ee golaha wakiilada iyo Guurtida oo ay kala hogaaminayaan Cabdiraxmaan Ciro iyo Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxaa ay hada galeen madaxtooyada Somaliland Si Rasmi ah uma cada sababta loogu yeedhay laba shir gudoon ee Guurtida iyo Wakiilada balse xogo ay Ilaysnews.com ka heshay ilo ka ag dhaw madaxtooyada waxaa ay sheegayaan in kulan albaabadu u xidhan yahiin qasriga madaxtooyda kulan qaadan doonan Madaxweyne Siilanyo .

Sidoo kale xogahan ayaa waxaa ay intaaasi ku sii darayaan in la filaayo in ay ka wada hadalaan madaxweynaha iyo shirgudoonka labada aqal fadhi deg deg ah oo dhawaan madaxweyne Siilanyo isku yeedhay xildhibaanada labadaasi aqal isla markaana uu madaxweynuuhu u soo bandhigi doono ujeedka uu ka leeyahay fadhigaasi aan caadiga aheyn ee uu isku yeedhay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here