Shirguddoonka Wakiillada Oo Aqbalay In Xeerka Kufsiga La Saxo

0
302 views
Shirguddoonka Wakiillada Oo Aqbalay In Xeerka Kufsiga La Saxo

Shirguddoonka Wakiillada Oo Aqbalay In Xeerka Kufsiga La Saxo
Hargeysa(Sayruuq) Shirguddoonka golaha wakiillada Somaliland, culimada iyo wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland ayaa isla qaatay in dib loo saxo xeerka Kugsiga oo dhawaan dhaqan galay laakiin, golaha guurtida iyo culimadu xaqiijiyeen in ay ku jiraan qodobo dhawr ah oo ka dhan ah shareecada Islaamka.

Kulan shalay dhexmaray labada dhinac waxa uu guddoomiyaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax sheegay in lagu heshiiyay sixitaanka xeerka “Umad Islaam ah ayaynu nahay marka wixii shareecada ka hor imanaya dastuurkeena xaarantinimeeyay, wixii qodobo ahaa ee ka hor imanayay shareecada waxaanu ku heshiinay culimada in ay soo qoraan la isla eego oo wixii ka hor imanaya shareecada laga saaro, wixii shareecada Islaamka ka hor imanayaana waa waxba kama jiraan,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

Sheekh ismaaciil Dheeg oo ku hadlay afka culimada ayaa isna sheegay in la isla qaatay sidii xeerka la isula eegi lahaa loogana saari lahaa laaxinka “Waxaanu ku heshiinay in inaga oo wada jirna dib isula akhrino; haddii ay tahay culimo, haddii ay tahay garyaqaanka guud, wasaaradda awqaafta in la isla eego xeerka,”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.