Shir Guddoonka Labada Aqal Baarlamaan Ee Itoobiya Oo Noqday Haween Muslim Ah
Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa shalay guddoomiye u doortay Keria Ibrahim kadib markii goluhu aqbalay iscasilaadda guddoomiyihii hore ee aqalkan Yalew Abate. Golaha ayaa si aqlabiyad ah isugu raacay doorashada Marwo Keria Ibraahim.
Sidoo kale waxa dhawaan golaha wakiillada Itoobiya loo doortay Marwo Muferait Kemil oo xilkaasi qabatay markii uu iscasilay hoggaamiyihii hore ee golaha.
Haweenkan Muslimka ah ayaa markii u horaysay hoggaaminaya baarlamaanka Itoobiya waxaana waddanka hoggaaminaya Dr Abiy Axmed Cali oo Islaam ah waxaanay u muuqata in isbedellada Itoobiya ka dhacaya ay qayb ka yihiin haweenka iyo Muslimka oo jagooyinka sare hela.
Good AM #Ethiopia! Y'day, the House of Federation (HoF) elected Keria Ibrahim speaker of the house. Which means both the House of People's Representatives (HoPR) & HoF do have women speakers & both are from Ethiopia's vibrant #Muslim community. Muferait Kemil is speaker of HoPR. pic.twitter.com/Jzwh8YojKI
— Addis Standard (@addisstandard) May 1, 2018
Source: Fana
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com