“Shidaal Baanu Somaliland Ka Qodayna 2019,” Genel

0
3,045 views
Berbera Oo Lagu Daahfuray Sahaminta Shidaalka

“Shidaal Baanu Somaliland Ka Qodayna 2019,” Genel

Waraysi uu khadka telefoonka ku siiyay wakaaladda Reuters guddoomiyaha Shirkadda Genel Energy waxa uu ku sheegay in ay sanadka 2019 shidaal qodis ka bilaabi doonan Somaliland. Shirkaddan ayaa sahan shidaal ka bilawday Somaliland 2012 waxaanay xoogga saarta gobollada Kurdiyiinta taas oo ku qiyaastay dhulka Somaliland ee shidaalka laga baadhayo mid leeg gobolka Kurdistan ee Ciraaq.

Murat Ozgul waxa uu sheegay in uu muddo dheer jecla in ay soo saaraan kaydka Somaliland ee shidaalka ah. Waxa uu sheegay in ay siinayso macno la mid ah sidii Kurdistan ahayd 15 sanno ka hor “2019 Waxaanu bilaabayna shaqada qoditaanka,” Sidaas ayuu yidhi Mutat Ozgul. Somaliland iyo Kurdiyiinta ayaa iskaga mid ah qaddiyadda citiraaf raadinta.

Shirkaddan ayaa sheegaysa in sahanka shidaalka ee la soo gabagabeeyay sanadkii 2017 muujinayso natiijo xambaarsan rajo badan oo ah in shidaal laga helo baloogyada ay baadheen.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here