“Sheeko Ciyaal Buu iila Yimid Wasiirka Maaliyaddu,” Jaamac Shabeel

Jaamac Shabeel oo la waydiiyay in xil wasiirnimo uu doonayay laakiin la taliye wasiir loogu bedelay

0
873 views
Jaamac Shabeel “Aniga & Madaxweynaha Ayaa is Khilaafnay.”

“Sheeko Ciyaal Buu iila Yimid Wasiirka Maaliyaddu,” Jaamac Shabeel
Hargeysa(Sayruuq) Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo shalay xisbiga Kulmiye sheegay in laga qaaday guddoomiyaha golaha dhexe ayaa waraysi uu dhawaan bixiyay kaga hadlay xil uu u magacaabay wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo ah la taliyihiisa dhanka sharciga. Mr Shabeel ayaa si weyn xilkaas uga soo horjeestay.

Waraysi uu Jaamac Shabeel siiyay telefishanka Eryal ayaa lagu waydiiyay maaddaama uu si weyn ololihii ula shaqeeyay madaxweyne Biixi in laga filayay liiska wasiirrada balse laga reebay iyo sida uu u arko waxaanu ku jawaabay “Dee imikaba waan u shaqaynaya waddanka iyo umadda imikaba waan u shaqaynaya waddanka iyo umaddaba.”

Jaamac Shabeel waxa kale oo uu sheegay in aan lagala tashan xilka la taliyaha wasiirka maaliyaddu u magacaabay isaga oo ku dooday in gef iyo magac dil uu kula kacay wasiirku. Waxa uu sheegay in markii uu wasiirka u tagay aanu wax macquul ah ula iman “Waan u tagay, Contract ayaynu samayna, waynu isu imanayna buju-baja, sheeko ciyaal uun dee,” Sidaas ayuu yidhi Mr Shabeel oo ceeb ku tilmaamay in lagu fikiro in xilka wasiirnimo oo loo waayay loogu bedelo lataliye wasiir.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.