Sheekh Cabdulxaq Oo Shaqada Laga Joojiyay

0
598 views
Sheekh Cabdulxaq Oo Shaqada Laga Joojiyay

Sheekh Cabdulxaq Oo Shaqada Laga Joojiyay

Burco(Sayruuq) Sheekh Cabdulxaq loona yaqaano sheikh Rusheeye oo todobaadkii u dambeeyay magaalada Burco ku waday dabiibkiisa taxliisha ee uu casharka ku saydho bulshada caafimaadka u soo raadsata ayaa shaqada laga joojiyay. Muuqaal laga duubay ayaa muujinaya boqolaal dadka uu dawaynayay ah oo taageero u muujinaya iyo isaga oo boolisku wado.

Sheekha ayaa muddo dheer dadka ku casharin jiray duleedka koonfureed ee Hargeysa waxaana maalmihii u dambeeyay la arkayay dad dhalliilsan shaqada uu ka wado Burco oo ugu bixiyay ‘Leebaajada Burco’ waxaanay wararka soo baxaya sheegayaan in culimada Burco soo abaabushay shaqo ka joojinta Sheekh Rusheeye.

Sheekha oo si weyn meesha uu tagaba loogu soo qamaamo ayaa baqolaal dad daweynayay waxaanu sheegay in uu hibo iyo waayo aragnimo u leeyahay saaridda jinka iyo dabiibada isha. Ma jirto cid daristay in dadku caafimaad ka helaan shaqada uu wado laakiin, todobaadkan ayaa si weyn looga dareemay Burco sida baaxadda leh ee dadku caafimaadka ugu doontan Sheekha.

Sheekh Cabdulxaq Oo Shaqada Laga Joojiyay

Dadka difaaca shaqadiisa ayaa ku doodaya in dadku adeegga caafimaad ee dalka oo liita awgeed iskula waalaloobayaan Dabiibka iyada oo ay suuro gal tahay in dad badan xanuuno dhakhtar hayaan.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here