Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir: Ubaxii ka Dhex Mudhay Lamadegaanka.

0
700 views
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir: Ubaxii ka Dhex Mudhay Lamadegaanka.

Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir: Ubaxii ka Dhex Mudhay Lamadegaanka.
Inkasta oo aan muddo dheer dusha ka aqaanay sheekh Cabdiraxmaan Bashiir haddana waxa aanu si wanaagsan isku baranay sannadkii 2011-kii oo aanu ku kulmay jaamacaddii Geeska ee u aasaasay Sheekh Almis Yahye Ibrahim ee magaalada Hargeysa, markii aanu in muddo ah wada sheekaysanay waxa si fiican iigu sii iftiimay sawirkii aan ka haystay iyo aragtida ballaadhan ee u xambaarsan yahay.

Waxa aan ku marti qaaday barnaamijka Diinta iyo Nolosha ee ka baxa HCTV aniga oo ka waraystay sida ay isbedellada bulshooyinku u sameeyaan maaddama lagu jiray kacdoonadii dadweynaha Carabtu ku doonayeen inay dalalkooda u helaan xal siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxa aanu barnaamijka ku soo bandhigay lixdan daqiiqo oo ka koobnaa laba xalqadood oo nuxurkoodu ahaa inuu si waafi ah oo aqoonaysan uga warramay waxyaallaha dhaliya isbdellada iyo sida oo kale dhibaatooyinka ka dhalan kara kacdoonadu marka ay curtaan.

Wixii intaa ka dambeeyey waxa aan qoraallada u sameeyo kala socday Facebook-ga oo maanta ah madasha ugu muhiimsan ee dadku ku kulmaan gaar ahaan dadka Soomaalida ah oo hadalladii maqaaxiyaha lagu hayn jirey u soo raray qoraal, sawiro iyo fiidyawyo ay soo dhigaan godka ay ku leeyihiin bartan. Waxa sida oo kale aad inoogu soo baxay dadka sida weyn wax u qora ee had iyo jeer soo dhiga bartooda waxyaallo dadka faa’iido u leh oo aan la dafiri Karin.

Dhawrkii sano ee u dambeeyey Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir wuxuu ka mid yahay dadka Facebook-ga aadka u adeegsaday oo ka warrama aragtida u aaminsan yahay iyo sida uu u arko dhacdooyinka ka socda caalamka i
Islaamka guud ahaan iyo isbedellada ku yimaadda dhulka Soomaalida gaar ahaan.

Wuxuu xoog wax uga qoray siyaasadda, dhaqanka iyo arrimaha bulshada sida akhriska iyo dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah isaga oo mararka qaar soo bandhiga arrimo dood dhalin kara oo inta badan aan hore looga wada hadli jirin, waana arrinta keentay inay jiraan dad badan oo aragtidiisa ka xanaaqa.

Marka laga yimaaddo in uu yahay oday mucaarid ku ah xukuumadda Jabuuti ee u hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,haddana marka aan aragtideyda ku cabbiro Sheekhu waa dadka tirada yar a ee si xeeldheer u falanqeeya Geeska Afrika, waxa aan aad u xasuusanahay muddo ka hor sida uu uga warramay dalka Itoobbiya oo uu ku tilmaamay in uu raran ku dul taagan yahay bilaha soo socdana laga yaabo inay kacdoono ka dhacaan, kuwaas oo galaafan doona dawladdii waqtigaa jirey ee u hoggaaminayey ray’salwasare Hailemariam Desalegn, waana arrin u dhacday siyaabihii uu uga waramay.

Wuxuu qoraallo ka sameeyey doorashadii Soomaalilaan oo u tilmaamay meelaha ay ku xooggantahay iyo waxyaallaha ka dhiman iyo sida oo kale waddamada jaarka ah ee cadawga u noqon kara dimuqraaddiyadda madiga ku ah geeska Afrika, waxyaallahaas oo dhami waxa ay farta inoogu fiiqayaan waayo-aragnimadiisa iyo biseylka caqli ee u gaadhay, waxa mudan in aad loogu ixtiraamo awoodda akhris ee ka muuqata, waayo maalin u ka warramayey siyaasadda wuxuu ka sheekeeyey in toddobaad gudihii uu dul istaagay saddex kitaab oo waaweyn, markii aan dib ugu noqday tirada xaashiyaha buuggaagtaasina waxa ii soo baxday inay ka koobnaayeen in ka badan kun warqadood waana mid ka mid ah waxyaallaha xawaashka u samaynaya qoraallada u sameeyo sheekhu.

In qofku siyaasadda waddankiisa ka jirta u aragti ka duwan ta dawladda ka yeesho maaha wax dambi ah sida oo kale haddii u maanta sheekh Cabdiraxmaan xisbigiisu ku guulaysan lahaa hoggaaminta dalka Jabuuti waxa laga yaabi lahaa in ay dhammaan wadaaddu odhan lahaayeen waa tijaabo wanaagsan oo la sameeyey, laakiin hore ayaa loo yidhi; fashilku aabbo ma lehe guushuna aabbayaal badan ayey leedahay.

In uu qofku ku guulaysan waayo waxyaallo u sax u arkayey oo u dhici waayey sidii u rabay ama ay ka hor yimaaddeen caqabado ka xoog weyni ma tilmaamayaan in uu yahay faashil laakiin sida aan facebook-ga ka arkayey dadka qaar ayaa tilmaamay in uu sheekh Cabdiraxmaan ku saaqiday siyaasadda taasina waxa aan u arkaa in ay tahay mid isha laga lalinayo sunnaha Ilaahay ee adduunka guudkiisa ka jira, laakiin waa in la xasuusnaadaa inuu sheekhu tijaabiyey qaab dimuqraaddiyadeed oo xisbigiisa oo si rasmi ah uga sharciyeysan dawladda Jabuuti uu kula tartamay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxyaallihii ka dhacayna si cad ayaa loo wada ogaa cida gefka gashay iyo cidda dhibanaha noqotay.
Meelaha ay ka suurtoobayso in la kala dhaxlo hoggaaminta siyaasadeed ee dal leeyahay iyo meelaha aanay ka jiri Karin way inoo kala muuuqataa mana aaminsani in dalka Jabuuti u yahay dal u samaysan sida boqortooyooyinka oo madaxweynuhu u dabaq dahab ah u saaraayo maamulka dalka cid laga dhigay dhaxalsuge.

Maanta marka si caafimaad qabta loo eego bulsho weynta Soomaalida, Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu uga dhiganyahay sidii Imaamul Qazaali dhinaca dhiiranaanta wax sheegidda iyo aragti-dheeraanta, waayo wuxuu qoraallo xanuun badan ka sameeyey arrimo aanay soomaalidu isku taataban ama aan laga wada hadal.

Dadkii aan hore u dhegeysan jirey oo u badnaa carab sida Dr. Dariq Suweydaan, Dr. Maxamed Al-Cawadi, Dr. Cali Alcumari Dr. Jasim Suldaan oo aan had iyo jeer ku jeclaa dhiiranaanta wax sheegidooda iyo sida aanay iskugu xidhin maslaxada shakhsiga ah ee ay leeyihiin iyo baahida wax-sheegiseed ee ay dadku qabaan ayaa waxa aan qoraallada Sheekhana ku jecelahay in ay yihiin qaar si cad oo badheedh ah u sheegaya waxyaallaha u aaminsan yahay hadday diin tahay, hadday siyaasad tahay, iyo haday wax kale tahayba waana nadaafadda lagu yaqaan dadka ku dhaca leh. Waxa aan leeyahay Alle ha ku dhawro sheekhanaa adiga iyo kuwa kula mid ah ee dadka wax fiican la raba.

Duruusta Cabdiraxmaan Bashiir

W/Q:  Cabdilaahi Beershiya

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.