SHEEGASHADA DARAJOOYINKA AAN AQOONTA IYO XILALKA LA GU KASBAN QARANNIMADA WAA KU CEEB: Maxamed Hagi

0
165

”Honorific” Darajooyinka siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada Reer Somaliland in nool iyo in mootan ee inta badan aad saxaafadda iyo faallooyinka dadka wax faaqida aad sida qaldan uga maqashaan waxa ay ku sax yihiin darajooyinkoodu sida tan: –

  1. Prof. Xuseen Tansaaniya.
  2. Prof. Xuseen Bulxan.
  3. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
  4. Prof. Abdi Ismaaciil Samatar.
  5. Prof or DPL. Ibraahim Maygaag Samatar.
  6. Prof. Xuseen Warsame.
  7. Dr or H.E. Cali Khaliif Gallaydh.
  8. Dr or DPL. Ismaaciil Hurre Buubaa.
  9. Spox. Saleebaan Gaal.
  10. Spox. Baashe Maxamed Faarax
  11. His Honor. Aadan Xaaji Cali.
  12. LDR. Muuse Biixi Cabdi.
  13. LDR. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
  14. LDR. Faysal Cali Waraabe.
  15. H.E. Cabdiraxmaan Tuur.
  16. H.E. Cigaal.
  17. H.E. Rayaale.
  18. H.E. Siilaanyo.

Darajada Professor waa darajo ay jaamacadi bixiso ee aan la iska la bixi karin. Waa darajo la gu kasbado curinta cilmi cusub amma xal u helis mashaakil oo baadhis dheer iyo qoraallo badan ku soo baxay oo scientific ah. Qofka noqonaya Professor waa in ay jaamacad weyn oo leh qaybo cilmi -baadhis oo faro-badan (Departments of Research) ay u aqoonsataa darajada Professor wakhtiga uu ka soo baxo amma ka soo gudbo darajoojinka Seminar Tutor, Lecturer, Reader & Research Fellow .

Cid wal oo jaamacad wax ka dhigtaa ma aha Professor. Lixda qof ee aan kor ku xusay dhammaantood waxa ay leeyihiin Publications – waxa kale oo ay madax ka noqdeen qaybo jaamacadeed sida; Deans, Head of Departments Programme & Module Directors. Ibraahim Maygaag oo ku jira qaybta sare ee Professors ka isaga waxa si gaar ah ugu raaca hal darajo oo kale (Diplomat) waxa uu ku kasbaday in uu ahaa Wasiir, Safiir iyo Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee SNM. Waxase uu doorbidi jiray in keliya loo gu yeedho magaciisa oo aan wax darajo ah (honorific) loo gu ladhin.

Dadka aan darajda Dr. ku ladhay magacyadoodu waa dad sita shahaadada sare ee PhD se aan gaadhin amma aan kasban Professor-nimo- waana dad dhammaantood xilal dawli ah ka soo qabtay Somaliland marka la ga reebo Gallaydh oo isagu aan xil ka qaban Somaliland se ka qabtay Soomaaliya. Dhanka kale Gallaydh isaga waxa aan ugu ladhay darajada H.E. – waayo waxa uu noqday Raysal Wasaare marna Madaxweyne Deegaan (Khaatumo) aan cidi aqoonsaneyn. Inkasta oo Gallaydh aannu si run ah u ahayn Professor haddana marnaba ma diido yeedhmada darajada sare ee academia ee Professor!

Buubaa, isaga waxa aan u raaciyey darajada Diplomat – waayo waxa uu noqday Wasiir Arrimo Dibedeed. Buubaa inkasta oo uu ka dhigay jaamacado Sucuudiga ku yaal – haddana waxa hubanti ah in aannu lahayn wax Publication ah oo uu ku muto darajadan sare ee Professor. Jaamacad wax la ga dhigaana ma siiso qofka darajada – waxase ay ku timaaddaa xoog iyo dedaal nafta la gu keli yeelo oo ugu yaraan gaadhsiisan 3 sano – waa haddii qofku sameeyo curisyo maanka aqoonyahanka adduunka ka gadma oo daabacaad weyn dunida academia ka mutaysta eh. Inakasta oo aannu Buubaa ahayn Professor – haddana ma diido darajadan aannu xoogsan sida saaxiibkii gallaydh.

Dhanka kale Shir-Guddoonka labada aqal ee Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Dastuuriga ah iyo Guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran waxa ay saxaafadda iyo ummadda inteeda kale ka mudan yihiin in la huwiyo sharafka hoggaaminta ee loo yaqaan ”Spox, His Honor & LDR”.

Halka ay Madaxweynayaasha Afarta ah ee Soo maray Somaliland ay qaranka ka mudan yihiin in la huwiyo darajada mudnaanta ee ugu sarraysa ee ”His Excellency”. Asluubta saxan ee darajada dadka qaranka ka dhex muuqdaa waa in aan sinaba loo ga been sheegin – haddii kale waxa aynnu noqon been hadoodilan oo adduunyada kale ay ku qososho.

Mohamed Hagi Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here