Sharci Ahaan Abiy Axmed Ma Cafin Kara Cabdi Ilay?

0
430 views
Muxuu Maxkamadda Ka Sheegay Cabdi Ilay?

Sharci Ahaan Abiy Axmed Ma Cafin Kara Cabdi Ilay?
Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, oo shalay markii saddexaad maxkamad lagu soo taagay magaalada Addis Ababa ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ka codsaday inuu cafis u fidiyo isaga iyo dadka la eedaysanba.

Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in muddo 12 sano ah uu dalkiisa u soo shaqeynayay, haatanna uu mudan yahay in la cafiyo. Dhageysiga dacwaddiisa ayay mar kale hadana maxkamddu dib u dhigtay.

Maxamed Shariif Cabdi oo ah garyaqaan ayaa BBC-da u sheegay in haataan aanan go’aan laga soo saarin dacwadda loo haysta Cabdi Maxamuud Cumar isla markaasna uu yahay eedeysane.

Wuxuu yidhi ” nin la xukumay ma aha, nin dambiyada lagu soo oogay caddeymaheedii intii lagu caddeeyay ay maxkamaddu ay go’aan ka gaadhay ma aha isla markaasna xabsiga loo taxaabay”

Garyaqaanka wuxuu sidoo kale sheegay in cafis loo fidin karo oo kaliya marka caddeymaha lagu helo oo ay maxkamadda go’aan gaadho isla markaasna uu isaga soo codsado in la cafiyo isagoo xabsi ku jira.

” Waa in kiiskii oo dhamaystiran ay keenaan, haddii dacwaddiisa ay bilaabato, oo dhagaysiga maxkamadda uu bilaabmo oo dabadeedna caddeymihii la keeno, dabadeedna go’aan la qaato, wixii intaa ka dambeeyo ayaa isaga oo xabsi ku jira codsi dalban kara oo cafis kusoo bixi karaa, laakin hadda iyada oo aanay dhammaan dhagaysiga dacwadda cid cafin karta ma jirto” ayuu yidhi garyaqaan Maxamed Shariif Cabdi.
Sida uu sheegay garyaqaanka,dastuurka dalka Itoobiya wuxuu dhigaya in aan qofk la odhan karin dambiile ilaa ay maxkamad ku caddeyso.

Maxamed Shariif wuxuu sheegay in damaanad kusii deynta qofka ay ku xidhan tahay culeyska dacwadda iyo go’aanka ay maxkamadda ka gaadhi karto.

Muddo 42 maalmood ah ayey xidhnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, iyadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.
Source: BBCSomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.