Shaqaalihii Ugu Tirada Badnaa Oo Shirkada DP World Ka Eriday Dekedda Berbera Iyo Tirada Ay Soo Dhajisay Ee Ay Qaadanayso+ SAWIRRO

0
83 views

Berbera(Sayruuq)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in Shirkada Carbeed Ee DP WORLD isla markaana la wareegi doonta gacan ku haynta dekeda magaalada Berbera 1 Bisha March  ay xalay soo dhajisay liiska shaqaalaha  rasmiga ah ee ay qaadatay ee ay la saxeexan doonto heshiiska wada shaqayneed ee dekeda magaalada Berbera isla markaana si rasmi ah uga hawl gali doonaa dekedda.

Dekedda_Berbera_Somalialnd

Shirkadan oo Bilihii u danbeeyeyba waday kala xulista shaqaalaha dekeda ka shaqaynaya marka ay la wareegto isla markaana shaqaalaha ku wargalisay inay soo buuxiyaan Foomam ay maamulka dekeda ugu dhiibtay ayaa la sheegay in ay xalay soo dhajisay shaqaalaha ay qaadatay.

Waxaana xoguhu noo sheegeen in shaqaalaha ay shirkada DP World ay qaadatay tiradoodu ahayd inta u dhaxaysa 700 ilaa 710 shaqaale ah kuwaas oo si rasmi ah uga hawl gali doonaa dekeda,sidoo kalena xogahan naga soo gaadhaya magaalada Berbera ayaa waxay tibaaxayaan in madaxda shirkadu ay eryeen shaqaale tiro badan kuwaas oo tiradooda naloogu sheegay inay yihiin 270 shaqaale ah oo hore uga hawl gali jirey dekeda magaalada Berbera qaarkoodna ay waaxyo madax ka ahaayeen.

Shaqaalahan ayaa markii ay maqleen in lasoo dhajiyey liiska shaqaalaha ay sida rasmiga ah u qaadatay shirkada Dp World waxa ay isa soo tubeen isla markaana soo buux dhaafiyeen gidaarka lagu soo dhajiyey liiska iyaga oo mid kasteba ka eegay magaciisa iyo in uu kamid yahay shaqaalaha la qaatay.

Shaqaalaha shirkada DP WORLD shaqo joojinta ku samaysay oo qaarkood la sheegay in ay muddo badan ka shaqaynayeen dekeda ayaa la filayaa inay dhigaan mudaharaad ay kaga soo horjeedan shaqo ka fadhiisinta lagu sameeyey,waxaana sida xoguhu nagu soo gaadhayaan magaalada Berbera iyo agagaarka dekeda magaalada Berbera lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan.

Gabagabadiina dhawaan ayey ahayd kadib markii xukuumadda Somaliland ay shaacisay in shirkada Dp World ay gacan ku haynta dekeda magaalada Berbera la wareegi doonto 1 Bisha March,iyaga oo sidoo kalena shaqaalihii dekeda ka hawl galayey xaqii ay ku lahaayeen shaaciyey in ay u dhigeen baanka,waxaana wakhti xaadirka magaalada Dubai ee dalka isku tagga Imaaraadka Carabta ku sugan wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo kuwaas oo u jooga dhamaystirka heshiiska Dekeda Berbera ee DP World,sidoo kalena xogaha ayaa waxay sheegayaan in shaqo joojintan ay shirkada DP World ku samaysay shaqaalaha dekeda ka hawl galayey ay tahay wajigii koowaad ee shaqaalaha dekeda Berbera lagaga caydhinayey shaqada.

2-18-555x740 3-11 m 1-75

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.