Shaqaale Mudaharaaday Madaxweynahana Farriin U Diray

0
403 views
Shaqaale Mudaharaaday Madaxweynahana Farriin U Diray

Shaqaale Mudaharaaday Madaxweynahana Farriin U Diray

Hargeysa(Sayruuq) Shaqaalaha hay’adda madbacadda Qaranka ee Somaliland ayaa saxaafadda u sheegay in ay muddo dheer bilaa mushahar yihiin, islamarkaana aanay garanayn sababta keentay iyo halka uu maro mushaharkoodu. Shaqaalaha ayaa sheegay in aanay madaxdoodu wax tafaasiil ah ka siin sababta mushahar la’aanta ka dhigtay.

Shaqaalaha ayaa sheegtay duruufo nololeed waxaanay tilmaameen in shaqaalaha qaarkood u badan u shaqeeyo, qaarkood waxbarasho ku jiraan xilligan Iiddu soo galaysana culaysyada dhaqaale ku sii kordheen waxaanay madaxweynaha ugu baaqeen in uu soo faro geliyo arrintooda.

Shaqaalaha oo si cadho leh arrintan uga hadlay waxay dhalliileen maareeyaha oo ay sheegeen in uu cadaadis ku saarayo ilaalinta saacadaha shaqada iyaga oo aan wax mushahar ah qaadan, islamarkaana aan loo sheegin waxa mushaharkooda ku dhacay.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.