Shaqaale Bangi Oo $185,000 Ka Xaday Nin Darbi Jiif ah

0
106 views

Georgetown(Sayruuq)  Nin shaqaale bangi ah ayaa nin darbi jiif ah oo bangiga macmiil u ah ka xaday lacag ka badan $185,000. Ninka ayaa isku dayay in uu bangiga dhigto shandad duug ah oo lacagi ka buuxdo sida uu baahiyay wargeyska Washington Post oo soo xiganayay kiiska arrintan oo maxkamadda lagu qaaday.

Ninka dhibbanaha ayaan magaciisa lagu sheegin faylasha Maxkamadda laakiin, waxaa lagu qiixay darbi jiif (Homeless street vendor) oo muddo dheer macmiil u ahaa bangiga caalamiga ah ee Wells Fargo oo ah kan shaqaalihiisu ninka dhacay.

Faylasha Maxkamadda laguma caddayn sabab nin darbi jiif ahi u haystay lacag ku dhaw laba boqol oo kun oo doollar. Qareenka difaacayay ninka dambiga loo haysto ayaa sheegay in aanu fahmin sababta ninkaasi shandad lacag ah u haystay “Taas lafteeda ayaaba ah su’aal hal milyan oo doollar taaggan,” sidaas ayuu yidhi Bruce Allen Johnson Jr oo ah qareenka difaacayay Phelon Davis oo ah ninka dambiga lagu helay.

Phelon Davis waxa uu qiray in ninkani sitay kumanaan doollar oo uu doonayay in uu bangiga dhigto October 2014 laakiin, aanu haysan warqado aqoonsi. Davis ayaa ninka u sheegay meesha uu ka heli karo ID Kaadh-ka ama aqoonsiyada looga baahan yahay, waxa kale oo uu la yaab ka muujiyay lacagta baaqiga ah ee akoonkiisa ku jirtay.

Davis waxa uu laba cisho gudahood macmiilka darbi jiifka ah ugu sameeyay akoon musuqmaasuq ah, waxa uu been abuuray saxeexiisa, waxa uu u sameeyay lambar aqoonsi, E-mail iyo gelis Online ah oo uu maamulo Davis. Macmiilku awood uma lahayn Computer ama E-mail uu kala socdo dhaqdhaqaaqa akoonkiisa waxaanay Maxkamaddu caddaysay in Mr Davis qaatay $185,000 doollar oo uu leeyahay ninka darbi jiifka ah.

Mr Davis ayaa lacagta uu qaatay ku isticmaalay hawlo gurigiisa ah, daymo shakhsi ah oo uu iskaga bixiyay iyo fasaxyo uu ku taggay Aruba, Jumaica iyo Mexico. Maxkamadda oo xukuntay 19 July ma sheegin sida loo soo qabtay Mr Davis.

Ninkan ayuu xukunkiisu noqon kara 18 sanno laakiin, lama sheegin inta lagu xukumay waxaanu sheegay in uu lacagtaas dib u bixinayo una celinayo ninkii laha.

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.