Shanta Maamul Goboleed Ee Soomaaliya Oo Mawqif Ka Wada Qaatay Xukumadda Farmaajo Xiisadda Khaliijka Awgeed

0
47 views

Hargeysa(Sayruuq)Markii ugu horeysay madaxweynayaasha maamul goboleedyada shanta ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku cambaaraynayaan xildhibaanno sheegay in ay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Warsaxaafadeedka oo ay ku wada xusnaayeen madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kan Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kan Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay farogalin la sheegay in dowladda dhexe ay ku hayso arrimaha Galmudug.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa BBC-da u xaqiijisay in ay warsaxaafadeedka qeyb ka tahay, balse maamul goboleedyada kale ayaan wali dhankooda ka hadlin in warsaxaafadeedkan ay wax ka ogyihiin.

Madaxweynayaasha ayaa madaxda dowladda dhexe ugu baaqay in ay dib uga laabato go’aanka lagu taageeray hadalka xildhibaanada Cadaado, waxaana laga digay in talaabadan ay qalqal siyaasadeed iyo mid amni ka abuuro karto gudaha dalka.

Ugu dambeyntii madaxweynayaasha ayaa shaaciyay in ay shir degdeg ah ay isugu tagayaan magaalada Kismaayo si looga wada xaajoodo arrimaha taagan. Shirkan ayaa waxaa horey ugu baaqay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhanka kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa mar uu BBC-da waraysi siiyay waxa uu waxbo kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis la sheegay in ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada, wuxuuna intaas ku daray in dastuurka Galmudug uu qabo in aanan madaxweynaha xilka laga qaadi karin lixda bilood ee ugu horeysa xilka, isaga uu hadda xilka hayo afar bilood uun

War saxaafadeed shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ayaa lagu taageeray go’aankii xildhibaanada Galmudug ee Cadaado ku sugan ay ku sheegeen in ay xilka kaga qaadeen madaxweyne Xaaf, iyada oo dhanka kale ciidamada amniga ugu baaqday in ay ka hortagaan wax kasta oo keeni kara amni darro.

Mar sii horeysay oo shalay ahayd guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa BBC-da u sheegay in uu ku jiro xabsi guri , isaga oo ku sugan magaalada Cadaado. Waxa uu intaas ku daray in ay ku wehliyaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug.

“Aniga iyo madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka xabsi guri ayaa nalagu xirey, baarlamaankiina waa naloo diiday in uu shaqeeyo, baarlamaanka si kalaa la rabaa in loogu shaqaysto sida ay ila tahay” ayuu yiri Cali Casir.

Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ayaa ku baaqday in xabsiga laga siidaayo mas’uuliyiintan.

Balse markii ay BBC-da weydiisay Madaxweyne Xaaf in mas’uuliyiintaas ay ku xiranyihiin Cadaado ayuu beeniyay, wuxuuna yiri “Wax uu xiranyahay lama armo, cid xirtayna ma jirto, magaalada ayaa kacsan oo hadalkoodii aad uga xumaatay, qolada amniga ayaa waxa ay yiraahdeen nimanyahoow magaalada wareegeeda joojiya xaaladda waa xuntahaye”.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya xaaladda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in wafti ka socda labada gole oo uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Axmed ay halkaas gaareen, shirna la leeyihiin madaxweyne Xaaf, safarkooda ayaa la sheegay in uu la xiriiro sidii loo damin lahaa xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.