SHAN SANO LA WADA NOOLAA IYO KALA TAGGII SUAASHII QADHMUUNAYD KEENTAY!!!!

0
451 views
SHAN SANO LA WADA NOOLAA IYO KALA TAGGII SUAASHII QADHMUUNAYD KEENTAY!!!!

SHAN SANO LA WADA NOOLAA IYO KALA TAGGII SUAASHII QADHMUUNAYD KEENTAY!!!!

waxaan nahay walaalo waxaan nahay asxaab waxaan isku nahay wax walba oo dad isku noqdaan waxba nooma kala qarsoona cidina nama kala xigto meel walbana waan wada tagnaa cidina nama lixayso shan nin oo asxaab ah baan nahay xigto namay midayn xididna iskuma kaaya xidhin xaashee qaraabo kiil iskumaanaan baran.

imika waan faraxsanahay nolosha intii ugu wanaagsanayd baanu ku jirnaa reer cunto iyo cabbitaan nagama rabaan biil iyo lacag cidi nagama doonayso labaatan jirro ayaan nahay wakhtiga iyo waayahan la ciyaarayna keliya wax dhigta ayaa lana yidhi ma nihin dad waalidkood dhiba ma nihin dad la soo nacay mana nihin dad nolosha aan damac iyo dareen toona ka lahayn waxaan saarannahay dhabbada horumarka waxbarashadayada waanu wadanaa waanan ku han waynahay inaan mustaqbalka wax noqono.

mustaqbalkayagu wuxuu noqonayo ma garanayno se waanu haynaa dhabbadii hillaada himiladayada hal shay baa nakala qaybiyay gabagabadii iyo qalin jabintii jaamacadayada waanu isku khilaafnay waanan kala tagnay dibna isumaanan arag hoohee maxaanu isku waydiinay suaashaas is haybsi dabadeed waa suaashii ugu qadhmuunayd ee aanu is waydiino QOLAMAAD TAHAY?
SHAN SANO LA WADA NOOLAA IYO KALA TAGGII SUAASHII QADHMUUNAYD KEENTAY!!!!

5 sano ayaanu soo wada soconay mar qudhana ismaanan waydiin suaashaas lkn waa maxay sababta aan isku waydiinay maalintayadii qalijabinta jaamacada!!! maalintaa laga bilaabo waxaan ogaaday inaan somaali wax mideeya oo aan qabiil ahayni aanu jirin shan waxaanu ahayn hebel hebel iyo hebel hebel oo dhammaantood walaalo ah walaal iyo saxiib waxaan ahayn maanaan isugu yeedhi jirin lkn hadda waxaan noqonay hebel oo reer koonfureed ah hebel oo reer waqooyi ah hebel oo reer jabuuti ah hebel oo reer itoobiya(jigjiga) ah iyo hebel oo reer kenya ah (garisa).

isbadalada geeska bari ka dhacay si wayn bay inoo kala qaybisay si wayn bay inoo sii wiiqday ma jiraan wax ubuc inoo ah oo ina wada mideeya ma jiraan waxa lama taabtaan inoo ah oo waddaniyad la dhaho somaalinimadii waxay ku sii dhawdahay in ay meesha ka baxdo dadkeenii baa maalinba meel mid lagu cunayaa ma jiraan shacab iyo dawlad ka hadlaya sida haadka samada duula uu ceeshka bannaanka yaalla ucuno ayaa la inoo halabsaday.

waxaan noloshayda in badan usheegay in aan soomaali ah dadkana aan dheerahay somaalinimada waana la igu barbaariyay waa adduun in dadku kala noqdaan reero saxiibkaa uu yahay inaadeerkaa silsilad adduunyo ayaa ina sahashatay oo samirku hu iyo hubba u inoo yahay waan jeclaa inaan adduunka wax la qaybsado oo assaagay wax dheeraado laakiin maxay kugu tahay somalinimadii baa lugha i haysa.

waxaan gacmahayga ku eryay oo aan dalkaygii ka saaray guumaysigii ba’naa ee na ragaadiyay waxaan gaadhay heer aan adduunka meel walba somalinimadayda ku faano laakiin waxaa noo dambeeyay inaanu annagu isdilno is dhacno oo is boobno waxaan joognaa wakhti ka awoodda badani talinayo oo uu suu doono yeelaayo waxaan joogaa wakhti uu guumaystihii aan saaray isagoo shaadh kale gashan igu soo noqdo waa waxaan anigu isu geystay.

waan kaa raagay oo waan ku tabay qalinkaygoow waxaan uxiisay qoraalkaagii waxaan doonayaa sidii wacanayd ee aad fikirkayga aad u cabiri jirtay in badan maynaan is arag maan jeclayn in aan adiga iyo warqada iskiin dul dhigo lkn danta ayaa igu kalliftay waa gar inaan kugu isticmaalo aragtidayda iyo waxa oogadayda gubaya inaan dibada soo dhigana adigaa iisahlaaya.

Mustafe Cabdishakuur Cali (Mustafe guluf)

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.