Shabakadda Alleastafrica Oo Baahisay Xoggo Sheegaya In Ganacsade Cabdiraxmaan Boore 10 Milayn Oo Dollar Kula Wareegayo Warshadda Sibidhka Berbera Iyo Doorka Safiir Baashe.

0
13 views

Hargeysa(Sayruuq)-Shabakadda dalalka Geeska Africa sida wayn looga akhristo ee Alleastafrica.com ayaa todobaadkan baahisay maqaan ganacsi oo ay ku sheegayso in xogo ay heshay oo caalami ah tibaaxayaan in ganacsade Cabdiraxxmaan Boore oo u dhashay dalka Jabuuti isku diyaarinayo sidii uu warshada sibidhka Berbera ee Somaliland kula wareegi lahaa qadar lacaga oo dhan 10 Milyan oo Dollar.

images

Warbixintan shabakadani baahisey ayaa tibaaxaysa in ganacsade Cabdiraxmaan Boore ooh ore door wayn ugu lahaa maalgashigii shirkada DP WORLD ee dalkiisa jabuuti ka hor intii aanay isku dhicin madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uu xukuumadda Somaliland kala shaqaynayo sidii uu u maalgashan lahaa warshadaasi Sibidhka ee loogu wareejin lahaa .

Warshada Sibidhka oo ah warshad duug ah oo shaqayn jirtay wakhtigii xukuumaddii kali taliska ahayd ee Siyaad Barre.

Warbixintan oo aan qaybo kamid ah idiin soo turjunay ayaa waxay u dhignayd sida tan

“Cabdiraxmaan Boore ooisagu hore ugu qanciyey Imaaraadka Carabta inay maalgashadaan Jabuuti waxa al aaminsan yahay in uu ka danbeeyey heshiiskii dalka Imaaraadka Carabta u ogolaaday inuu kula wareego dekeda Berbera,gacantaasi uu kulahaa hawshani waxay keentay in shirkada Dubai Ports Wold iyo dawlada Somaliland heeshiiskaasi ku kala saxeexdaan magaalada Hargeysa May.9,2016.

Ninkan ganacsadaha ah (Cabdiraxmaan Boore) oo wakhtigan ku nool wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa dalka Jabuuti oo uu u dhashay kasoo baxsaday sanadkii 2009,kadib markii ay is khilaafeen madaxwaynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle,waxaana intaasi ka dib la sheegay in loo ogolaaday in uu qayb ka noqdo warshadda Sibidhka Berbera oo ay wada yeelan doonaan Baashe Xaaji Cawil oo ah safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta.

Warshadan ayaa la filayaa hadii ay kacdo I ay soo saari doono in ka badan hal milayn oo tan oo noqonna karta warshada Sibidhka ee ugu balaadhan gobolka Geeska Africa.

In kaste oo aan laga hayn wax xog ah ah ganacsade Boore haddana talaabadan ayaa kusoo beegmaysa wakhti dhawaan uun sanadkii hore laga qaaday xayyiraadii ganacsi ee saarnayd ,iyada oo maxkamadd Ingiriiska ku taalaa ku fasaxday hantidiisa iyo ganacsigiisa ayna sheegtay in aanu ninkaasi qabin eedahaa xukuumadda Jabuuti ku dacwaynaysay” waxa qorey warbixinta Judy Maina.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here