“Saxeexayga Iyo Shambadayda La Koobiyeeyay,” Xoghaye Cali

0
88 views
Reer Hargeysa Ma Sii Wadi Karaan Bixinta Malaayiin Cashuur ah?

Saxeexayga Iyo Shambadayda La Koobiyeeyay,” Xoghaye Cali

Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa mudan Cali Xasan Cawaale ayaa sheegay in la minguuriyay saxeexiisa iyo shaambadiisa, islamarkaana warqado sharci oo aanu arag lagu socod siiyay. Hadalkan ayuu sheegay mar uu iska difaacayay xildhibaan Xasan Shahar oo warbaahinta ka dhalliilay shaqadiisa waxaanu ku eedeeyay in uu hanti ama hayb ahaan ku difaacayo Maayarka.

“Waxa naga qabyo ah miisaaniyaddii 2018 oo aanu samaynay bishii 9-aad oo ay degmo walba soo gudbisay, xildhibaanka waxaan waydiinaya bal shaqadii goluhu taas bay ahayde maxaad walaal taa uga hadli wayday? Maanay shaqo inaga maqan ahayn taas ayaanu u taaggan nahay ee maxay kuugu muuqan wayday ragga ansixinayana kow baad ka tahaye?,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha dawladda hoose.

“Hanit badan oo Qarankani leeyahay  oo aad masuul ka tahay ayaa siyaabo khaldan loo isticmaalaya dawladda hoose waanad og tahay oo in badan baad joogtay. Xildhibaan ma waxaynu ka aamusna oo aad leedahay yaan laga hadlin faylkan oo ah mulkiyad guri ayaa iyada oo magacaygii iyo shambadaydii oo foojari ahi ku yaallan la bixiyay iyada oo laga dhigayo in Cali Xasan Cawaale saxeexay, xafiiskeena ayay arrintaasi ka jirta xildhibaan ee maxaad uga hadli wayday waa hantidii aad ilaalinteeda u xilsaarnayde?,” sidaas ayaa ka mid ahaa hadalka xoghayaha.

Xoghayaha ayaa sheegay in ay baadhis ku socoto faylkan iyo kuwa la midka ah islamarkaana uu u gudbiyay hay’addaha ku shaqada leh waxaanu sheegay in ay musuqmaasuqa qayb ka tahay “Xildhibaan golahan degaanka 4 sanno waxa iska bedelay 5 xoghaye, xoghayihiiba imisa ayuu joogay baad u malaynaysa? Maxaad taas oo kale uga hadli wayday ee aad umadda ugu sheegi wayday waxaad tahay nin la doortay oo la dhaariyay in uu sharciga ilaaliye? Miyaanay se xildhibaan haboonayn marka aad qof difaacayso in aad ku difaacdo sharciga iyo nidaamka balse aanad hanti, magac iyo hayb midna ku difaacin?,” Sidaas ayuu yidhi xoghaye Cali Xasan.

Xoghayaha ayaa sheegay in shaqada dawladda hoose si fiican u socoto, islamarkaana muddo sanad ku dhaw oo uu joogay ay wax badan ka qabsoomiin hawlaha dawladda hoose ee caasimadda. Waxa uu meesha ka saaray eedaha ah in shaqadu xanniban tahay.

Hadalladan ayaa imanaya xilli la dareensan yahay khilaaf culus oo u dhexeeya maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco iyo xoghayaha dawladda hoose Cali Xasan Cawaale. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaan faallo ka bixin khilaafka muddooyinkii u dambeeyay laga dareemayay madaxda dawladda hoose iyada oo haddana ay jiraan xildhibaanno badan oo soo dhaweeyay mooshin lagu fududaynayo tirada xilka ka qaadi kara maayarka oo golaha wakiillada horyaalla

 

Daawo: Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo Sheegay In Maayarku Shirkad Uu Leeyahay Ka Dhigtay Dawladda Hoose

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.